|

Wejigii 3-aad Ee Wada-hadaladii Xukuumadda Somaliland Iyo Khaatumo Oo Furmaya

Jabuuti 20. March 2017 (SDN/QJ):- Wejigii saddexaad ee wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo, ayaa loo ballansan yahay in wajigiisii saddexaad beri ka furmaan dalka Djibouti, waxana halkaas gaadhay waftiga Khaatumo oo uu hoggaaminayo Cali Khaliif, halka waftiga dawladda Somaliland-na oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire oo lagu wada inuu maanta ka soo am-babaxo  dalka Imaaraadka Carabta.

Wada-hadalladan oo la filayo in laga soo saari doono qodobbo ka miisan roon kuwii hore usoo bixi jirey, ayey shacabku si weyn ugu dheg taagayaan, waxana si weyn loo saadaalinayaa inay labada dhinac soo afjari doonaan colaaddii muddada dheer ka taagnayd deegaanada Bariga Somaliland oo caqabad ku noqday horumarkii gobolladaas.

Pro: Cali Khaliif, ayaa aan weli caddayn waxa uu ku qanci-doono, waxaana muuqata inay Somaliland samayn doonto tanaasulaad badan si ay shacabka deegaannadaas u kasbato, isla markaana nabad iyo wada jir loogu soo dabbaalo deegaanada Bariga dalka oo si weyn dib ugu dhacay.

Warar ayaa intaas ku daraya  in Pro: Cali Khaliif Galaydh qayb ka noqon doono Xukuumadda Somaliland, isla markaana loo bannan qaadi-doono mansab siyaasadeed oo dhinaca axsaabta dalka ka jirta ah, waxana gorgortanka ugu weyn ku jira hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali-waraabe oo isagu doonaya inuu jagada murrashaxa Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa u qaadan doono.

Comments are closed