|

Weriyeyaasha ka hawlgala Kenya oo Muddaharaad ka dhigay Nairobi iyo Nuxurka Cabashadooda

Nairobi 08.Sep 2016 (SDN/QJ):-Weriyayaasha ka hawlgala Warbaahinta kala duwan ee waddanka Kenya, ayaa Bannaan-bax cabasho ah ka sameeyey Maanta Caasimadda dalkaas ee Nairobi, waxaanay ka cabanayaan Khatar badan oo ay sheegeen in ay soo food-saartay hawshooda.

 

muddaharaadka-suxufiyiinta-kenya-ee-nairobi-2016Dhawr Weriye, ayaa sannadkii lasoo dhaafay Kenya ugu dhintay xaalado aan sharraxaad laga bixinin dalka Kenya. Xilli dambe oo Arbacadii ah ayaa toogasho lagu dilay Saxafi  Sawir-qaade ahaa oo ku sugnaa magaalada Kitale oo Waqooyi-Galbeed kaga beegan magaalada Caasimadda ah ee Nairobi.

Toddobaadkii hore, Joseph Masha oo ahaa Weriye arrimaha Siyaasadda ka warrama oo ka tirsanaa Wargayska Standard ayaa la dilay. Warbaahinta gudaha, ayaa ku warrantay in loo malaynayo in uu u dhintay Sun la siiyay.

Suxufiyiinta ka muddaaharaaday magaalada Nairobi Khamiistii Maanta, ayaa soo qaatay Boodhadh ay ku qoran yihiin weedho ay ka mid ahaayeen; “Suxufinnimadu dembi maaha.. Fadlan jooji Hanjabaadda, Rabshadda iyo Dilalalka Suxufiyiinta….” Kuwaas iyo Erayo la mid ah ayaa ku qornaa Boodhadhka Weriyeyaashan Muddaharaadayaa siteen, isla markaana ay ku dhawaaqayeen Weedhahaas iyo kuwo la macno ah.

Comments are closed