|

Xaaska Madaxweynaha Maraykanka Melanie Trump Oo Markii ay Booqdeen Xarunta Vatican-ka Samaysay Talaabo aanay Ku Dhaqaaqin intii ay Madaxda Islaamka la Kulmaysay SAWIRO

Roma 25. May 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta reer Galbeedka iyo tan Carabta ayaa si weyn u hadal haya Xaaska Madaxweynaha Maraykanka Melanie Trump oo markii ay tagtay xarunta Vatican-ka ku dhaqaaqday fal dad badan ka yaabiyey.

Melania Trump ayaa markii ay kula kulantay Pope Francis madaxa daboolatay, halka Sacuudiga markii ay tagtay ee ay salaantay Boqor Salmaan tinteedu dabeyshu marba dhan u babinaysay.

Wareyska Daily Express ee London ka soo baxa faallo uu arinkan ka qoray wuxuu ciwaan uga dhigay : Maxay sababta Melania Trump aanay madaxa u daboolan Sacuudiga balse ay u sameysay xarunta Vatican-ka.

Arintan ayaa yaab iyo fajac ku abuurtay dad badan, iyadoo dhalisay hadal heyn badan iyo doodo baraha bulshada hareeyey, fasiraado kala duwan ayaana laga bixiyey.

Haweenka Ajnabiga ee booqanaya boqortooyada sacuudiga ayaa la sheegay inaan lagu khasbin inay madaxa ku xirtaan Masar, dumarka reer Galbeedka ee aan xiran masar iyagoo jooga Sucuudigana wax ka mid ahaa Raisal Wasaaraha Britain Theresa May, Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, Xaaskii madaxweynihii hore ee Mareykana Michelle Obama iyo xoghayihii hore ee Mareykanka Condoleezza Rice.

Madaxweyne Trump ayaa 2015 ku dhaliilay xaaska madaxweyne Obama inaysan xiran masar mar ay booqasho ku joogtay Sacuudiga, iyadoo ay taasi jirto ayaa dad badan waxay isweydiinayaan sababta uu madaxweyne Trump u ogolaaday in xaaskiisa ay u raacdo sacuudiga iyadoo madaxeeda aan ku daboolin Masar.

Gabadha uu dhalay madaxweyne Trump ee Ivanka oo socdaalka sacuudiga ku wehlisay aabaheed iyaduna maysan xiran masar ama garbasaar.

Markii la weydiiyey sababta ay u xidhan waayeen masarka, CNN ayaa sheegey in Aqalka Cad loo sheegay in aan looga baahneyn in ay xirtaan masaro.

Comments are closed