|

Xafiiska Madaxweynaha Somaliland oo ay Xilalka Kula Kala Wareegeen Madaxweynihii Hore Iyo Madaxweynaha Cusub ee Maanta la Dhaariyey SAWIRO

Hargaysa 13. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Munaasibadda xil-wareejinta oo lagu qabtay maanta barxadda hore ee aqalka madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa ka qaybgalay wufuud heer sare ah oo ka socota dalalka caalamka, Afar kamid ah madaxweyne ku-xigeennadii dalka hore usoo maray, madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, guddoomiyeyaasha golaha wakiillada iyo guurtida Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyaha maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, labada madaxweyne ee xilka la kala wareegaya iyo ku-xigeenka xilka la wareegaya, xildhibaanno kamid ah labada gole, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

 

Ugu horrayn guddoomiyaha maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa dhaariyey madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub, kuwaas oo maantaba xilka si rasmi ah ula wareegay.
Xubno kooban oo kamid ah wufuudda caalamiga ah ee munaasibadda kasoo qabgashay oo ka socda dalalka Yurub iyo Bariga Afrika oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay u dhacday munaasibadda ay labada madaxweyne xilalka kula kala wareegayaan, waxana ay madaxweynaha cusub ku dhiirrigeliyeen inuu muhiimad gaar ah siiyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka caalamka.
Madaxweynaha xilka wareejiyey Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo khudbad ballaadhan halkaas ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday guulihii uu qaranku gaadhay muddadii uu gadh-wadeenka ahaa, waxana uu madaxweynaha cusub ka u rajeeyey inuu eebbe xilka u fududeeyo, isaga oo bulshada inteeda kalena ka codsaday inay la shaqeeyaan.
Madaxweynaha cusub ee xilka la wareegay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxana uu sheegay dalka ku hagi doono dariiq caddaaladeed oo sharciga iyo kala-dambayntu saldhig u yihiin.

Comments are closed