|

Xeer Ilaalliyaha guud Ee Gobolka Hargeysa Oo Sheegay In Uu Joojiyey Baadhista Dacwad Uu Guddoomiyaha Maxakamadda Maroodijeex Ka Aqbalay Ururka SOLJA

Hargeysa April 15,2016(SDN/QJ)-Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa shaacieyy  in maxkamada gobolka maroodi jeex ka aqbashay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Warancade oo ururku u gudbiyey maxkamada. Gudoomiye Xuuto oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay ku guulaysteen in maxkamadu gobolku aqbasho dacwada ay ka gudbiyeen wasiir Warancade oo la xidhiidha tacadi uu u gaystay mid ka mid ah suxufiyiinta ka hawl gala warbaahinta somaliland. Gudoomiye Xuuto oo ka hadlaya dacwadaasi ayaa waxa uu yidhhi “Maalmahana waxa uu ururka SOLJA ku mashquulsanaa fal tacadi ah oo wasiirka arimaha gudaha somaliland kula kacay suxufi reer somaliland ah kaas oo uu u gaystay afduub iyo jidh dil isla markaana sharciga baalmarsan u xidhay mudo sadex cisho ah, dhacdadaas ururka maalmahanba wuu ka baraan dagayey waxaanu la tashiyo kala sameeyey sharci yaqaano ururka la shaqeeya kuwaas oo maalmahanba daraasad ku samaynayey sidii dacwadan loo guda gali lahaa.” Sidoo kale gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA waxa uu ka waramay heerarkii ay la soo martay dacwadani waxaanu mar kale yidhi “Kulamadii ururka ka yeeshay arintaas oo uu ugu danbeeyey kulankii maanta waxa laysla qaatay inaanu shaacino oo aanu saxaafada ku soo bandhigno in dacwadii oo ahayd dacwad adag ooh awl badani naga gaadhay ay maxkamada gobolku ay aqbashay inay dacwadaas baadhis u dirto iyada oo amartay xeer ilaaliyaha gobolka iyo taliyaha ciidanka dambi baadhista somaliland in dacwadaas ay baadhaan oo ay sharciga hor keenaan cidii ku kacday, go,aanka maxkamaduna waxa uu daba socday  ka dib markii aanu kulamo  la yeelanay xeer ilaalinta guud oo aanu u gudbinay dacwadaas oo cabasho ahayd, taas oo wariye Cabdifataas Ismaaciil Caarshe uu dhibane ka yahay  balse ay ka gaws qabsatay oo ay dalbatay in maxkamada loo gudbiyo taas oo nagu kaliftay inaanu hadana wadadaas u marno, garsoorka oo aanu wada shaqayn fiican leenahay dacwadaas wuu ajiibay ka dib markii ay go,aansadeen inay guda galaan, waxaanay baadhis u direen xeer ilaalinta, xeer ilaalintuna waxay baadhis amar ah u dirtay taliyaha qaybta dambi baadhista si uu dacwadaasi u soo baadho isla markaana tacadigaas uu wariyaha uu u gaystay  masuulkii amniga dalka haystay inay soo baadhaan, waxaanu nala balamay taliyuhu maalinta sabtida oo uu dhibanaha ka waraysan doono sidii  ay wax u gaadheen.” Ugu danbayn gudoomiye Xuuto ayaa hadalkiisa ku soo xidhay “Ururka SOLJA maadaama oo uu u samaysan yahay horu marinta iyo difaacida suxufiyiinta waxaanu u aragnaa talaabo horu mar ah oo garsoorku qaaday.” Geesta kale Xeer Illaaliyaha guud ee Gobolka Hargeysa Md. Mawliid Cabdi Muuse ayaa sheegay in uu joojiyey warqad ay maxakamadda gobolku u soo gudbisay oo ay xafiiskiisa kaga dalbatay in baadhitaan lagu sameeyey dacwadan ka dhanka wasiirka arrimaha gudaha ee ururka SOLJA U soo gudbiyey waaxda garsoorka. Xeer Illaaliyaha guud ee xafiiska gobolka Maroodi-jeex Mawliid Cabdi Muuse oo daba socday war qoraal ah oo uu guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Ku shaaciyey in waaxda garsoorku ay urur ahaan ka aqbashay baadhista dacwadan isla markaana ay xeer ilaallintu bilowday baadhistiisa waxaa uu Xeer Illaaliye Mawliid sheegay in  uu guddoomiyaha maxakamadda gobolka Hargeysi Axmed Dalmar Ismaaciil u soo gudbiyey shalay u soo gudbiyey qoraal xafiiska xeer ilaalinta ka dalbanaya baadhis lagu sameeyo tacadiga weriyahani ka sheeganayo Ilaallada Wasiir Waran cadde, taas oo uu sheegay in warqadaasi markay soo gaadhay uu isna raaciyey lifaaq joojinaya in wax baadhis ah uu xafiiska xeer ilaalintu ku sameeyo. Xeer Ilaalliyaha guud ee gobolka Hargeysa oo xalay la soo xidhiidhay xafiiska wargeyska HUBAAL ee Hargeysa waxaa uu ku dooday in sharciyan  aanu xafiiskiisu ku shuqul lahayn arrimaha la xidhiidha baadhista kiisaska, isla markaana aanay hay’addiisu ka madax banaantay baadhitaannada dacwadaha.

 

Xigasho: Wargeyska Madaxa Banaan Ee HUBAAL Oo Kasoo Baxa Hargeysa, Somaliland

Comments are closed