|

Xeerkii doorashooyinka Somaliland oo la dhaqangeliyay

Hargeysa March 09, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi, ayaa ugu dambayn maanta saxeexay xeerka doorashooyinka deegaanka, ka dib markii wax-ka-beddelo badan lagu sameeyay caqabad ku noqday hannaanka doorashada.

Wax-ka-beddelka oo ay sameeyeen Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland iyo Maxkamadda sare ee dastuuriga iyadoo wax-ka-beddelka lagu sameeyey ay u muuqdaan dhinacyada ay khusayso ay heshiis ku yihiin.

In kasta oo xisbiyada qaranka iyo ururro badan oo siyaasadeed ay shuruucdan ogolyihiin yihiin, haddana ururrada siyaasadda qaarkood waxay muujiyeen mucaaridnimo, maadaama ay aaminsan yihiin in sharcigu xaq-darro u xaglinayo saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID.

Hoggaamiyeyaasha Urur-siyaasadeedan, ayaa Madaxweynaha mudo-dhaafka ku jooga ku dhaliilay inuu saxeexay wax-ka-beddelka lagu sameeyay sharciga, isagoo sheegay in haddii doorasho sidan ku dhacayso aanay ka qayb galayn.
Geesta kale, Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID iyo ka talada haya ee Kulmiye ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhaqangelinta xeerka doorashooyinka, balse Xisbiga Mucaaradka ugu weyn Somaliland ee Waddani uu soo dhaweeyay tallaabadaas, isagoo Guddoomiye Xirsi xasan uu sheegay inay dhamaatay doodii Doorashadu.

Comments are closed