|

Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo Ka Ag Dhow Madaxtooyadda Somaliland oo Ka Difaacay Marwada Madaxweyne Siilaanyo eedayn loo Jeediyey

Hargaysa 17. April 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay siyaasiin ka tirsan  xisbiga Waddani oo uu tilmaamay inay   siyaasadeeyeen waddo baneyn ay  Dawlada  hoose  ka fulisay toddobaadkii hore      magaalada Hargaysa.

Axmed Diiriye Nacnac oo warbaajinta la hadlay ayaa  u soo jeediyay xisbiga Waddani in aanay ceebayn marwadda qaranka, waxaanu  meesha ka saaray in dawladda hoose ay dumisay guryo,waxaanu xusay  in dawlada hoose ay wado sidii bilicda magaalada Hargaysa  loo hagaajin lahaa, is la markaana ay dumisay dayrar waddada soo galay.

“Waddadan hormarta Huteelka Cali Jirde, ee la  lahaa guryo ayaa la dumiyay meeshaas  waan soo maray, waxa la dumiyay  waa deyrar dawladda hoose fulisay dumintooda, D/hoose waxay ka shaqaynayaan bilicda magaalada,aniguna waddooyin ayaan ka sameeyaa xaafada Axmed Dhagax,  gurigaygana deyrkiisii badh baa la dumiyey oo waddadii ayaa ku beegantay, markaa waxaan leeyahay Marwada yaan lagu  ceebayn nin waxaan xaq loogu lahayn, dadkuna waxay xaq u leeyihiin in dawladda hoose ku yidhaahdaan waddada noo sameeya oo  laami ka dhigaan,”ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

 

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Huteelkaa Cali Jirde 11 sanno  ayuu socday markii la bilaabayay waan ogaa guri Cali Jirde lahaa ayaan soo iibiyay oo waan dilaalay,haddii lacagta dawladda lagu dhisay lix bilood ayuu ku dhammaan lahaa.  markaa dadka waxooda yaan laga xaraantinimeynin. Jidkaasi in la dhiso waa xaq, waxase wanaagsan in la iska daayo aflagaadada.”

 

Axmed Maxamed Diiriye, waxa kaloo uu  baaq nabadeed u diray  laba  beelood oo walaalo  ah ee dirirtu ku dhex martay koonfurta   gobolka Sool, waxaanu  yidhi; “Waxaan baaq nabadeed u dirayaa labada reer ee walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay gobalka Sool, waxaanan leeyahay abaar ayaa jirta dad walaalo ah ayaa tihiin oo isdhelay dad muslima ayaad tihiin dagaalna wiil uun baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho waxaan leeyahay dagaalka joojiya.”

Comments are closed