|

Hindiya: Xanuun Dunida Ku Yar Oo Ku Dhacay Wiil Yar Oo 11 Jir Ah !

Delhi 17. April 2017 (SDN/QJ):- Wiil yar oo u dhashay Dalka Hindiya oo la yidhaahdo Ramesh da’diisuna tahay 11 jir ayaa waxa ku dhacay xanuun aad dunida ugu yar, kaasoo sabab u nqoday inuu wiilkaasi yari dareemi kari waayo farxada ay leedahay carruurnimadu, sida lagu soo bandhigay Bold Sky.

Waxa ku dhacay wiilkan yar xanuun jidhkiisa u badali gaadhay Sida dhagaxa oo kale, xanuunka aadka dunida ugu yar oo magaciisa la yidhaa Ichthyosis ayaa ku dhaca maqaarka jidhka waxaanu sababaa inuu jidhku si xad dhaaf ah oo aynaan arag uu u qallalo, sida ka muuqata sawirka wiilkan marka uu jidhkiisu qallalo waxa dusha uga soo baxa qollof u eeg qollofta kalluunka waxaanay dhakhaatiirtu ku sheegeen inuu ka dhasho Khalkhal ka yimaada dhinaca Jiiniska qofka Ilaahay ha inaga hayee.

 

Ramesh ayaa waxa uu xanuunkani ku gaadhay halkii ugu xumay isla markaana dhakhaatiirtu waxay ku sheegeen in jidhka Ramesh uu aad u adkaaday oo aanu awoodin inuu hadlo, isaga oo jidhkiisu Dildilaacay, hooyada dhashay Ramesh ayaa cadaysay in markii uu dhashay 15 maalmood kadib uu maqaaarka sare ee jidhkiisu bilaabay inuu qollof dhacsado, runtii waa arrin mucjiso ah oo ina tusaysa awoodaha ilaahay ee aan Xudduuda lahayn, waxaana habboon inay ku tusaale qaadano, Ilaahayna ugu mahadcelino Nimcada Caafimaadka ee uu ina siiyay.

Comments are closed