|

Xildhibaan Dheeg Oo Ka Hadlay Diiwaangelinta Iyo Xaaladda Abaareed Ee Jirta

Hargeysa (QJ/SDN) -Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa is-barbar dhig ku sameeyey nidaamka dawladnimo ee Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in aanay Somaliya isnaba u gaadhaynin Somaliland, isaga oo tilmaamay inay Somaliland ka hanaqaaday Dimuqraadiyad, Doorashooyin xor ah iyo Nabadgalyo buuxda.

dheeg

Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Dheeg) oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Diiwaangelinta, waxaanu Shacab weynaha reer Somaliland ugu baaqay inay si fiican isku diiwaangeliyaan, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya  “Dadka reer Somaliland wey isku tashadeen, nidaam dawladnimo ayaa dalka ka hirgashay,Dimuqraadiyad ayaa ka hirgashay, Doorashooyin xor iyo xalaal ah ayaa ka hirgalay,nabad buuxda ayaa ka hirgashay,dalkana amaan buuxa ayaa ka jira, xaalada Somaliyana weynu aragnaa oo Madaxdooda taangiyo ayaa lagu ilaaliya, dawladda Somaliyana inta ay xukunto weynu ognahay, markaas inay Somaliland ku dhareersato maaha, in iyada oo Afgooye xukumin inay Somaliland hiigsato maaha”

Dhanka kale waxa uu Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg uu ka hadlay khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay Xisbiyada, waxaanu sheegay in khilaafkaasi dhammaaday, waxaanu ku baaqay in mar walba maslaxda qaranka iyo shacabka laga horeeysiiyo danaha gaarka ah, waxa uu Bulshada ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan, kaadhka diiwaangelintana qaataan.

Xildhibaan Dheeg waxa kale oo uu ka hadlay abaaraha dalka ka jira,waxaanu ILLAAHAY ka baryey inuu raxmada inoogu bedelo abaaraha, isagoo Bulshada ugu baaqay inay isku duubnadaan oo dantooda  iyo nabadooda ka shaqeeyaan.

Comments are closed