|

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo Raysal Wasaaarihiisa ka Codsaday in aanay Simin Somaliland Iyo Somalia!!

Hargaysa 19. November 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa raysalwasaaraha Ingiriiska Theresa may ka codsaday inaanay is garab dhigin Somaliland iyo Somaliya oo aad u kala duwan, kala fogna.

Xildhibaanka oo daba socda hadal ay raysalwasaaruhu kaga jawaab celisay su’aal uu xildhibaan weydiiyay oo ahayd inay hambalyo u dirto shacabka reer Somaliland oo dhawaan u dareeray doorashada madaxtooyada, taas oo ay kaga jawaabtay raysalwasaaruhu hadal u muuqday inay garab martay Somaliland oo ay ku celcelisay Somaliya.

Haddaba, xildhibaan Stephen oo arrintan daba socda ayaa Baarlamaanka ka yidhi “Qodob sixid nidaam ah aan jeediyo marwo guddoomiye kuxigeen, Waxa aan filayaa in aad ka warqabto in doorasho aad u muhiim ahi ay dhowaan ka dhacday Somaliland, dawladda Ingiriiskuna gacan muhiim ah ayaa ay ka geysatay. Laakiin waxa aan ogaaday in raysalwasaaruhu mar sii horreysay oo ay halkan su’aalo kaga jawaabaysay, ay ereyada Somaliland iyo Soomaaliya u isticmaashay sida in ay isku mid yihiin. Sida iska cadba isku mid ma’aha mana sinna (Somaliland iyo Soomaaliya), sidaa awgeed waxa aan jecelahay in aan raysalwasaaraha ku qanciyo in arrintaas ay si cad uga warranto. Arrin aad u weyn ayaa ay Somaliland u ahayd, innaguna waa in aynu u dabbaaldegno doorashadaas.”

Guddoomiye-xigeen Eleanor Laing, ayaa doodda xildhibaanka kaga jawaabay “Aad ayaa aan ugu bogay in mudanahaasi rajaynayo in arrintaas uu ku soo jeediyo indhaha golaha. Ma’aha arrin nidaam oo ku socota shirguddoonka, waxa se aan hubaa in xubnaha golaha wasiirrada iyo guud ahaan xukuumadda ee golaha fadhiya ay maqlayaan.

Comments are closed