Hargaysa 07 November 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda kana mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku dhaliilay Xisbiga Kulmiye inay ku balanfureen dadweynaha degan Xaafada axmed dhagax oo Shalay sheegeen inay Biyo Qaybin u samayn doonaan Taas oo uu xusay inay beenowday.
Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in Maanta uu Xisbigooda Waddani gaadhsiiyey Biyihii ay Bulshadu baahida u qabtay.
