|

Xildhibaan Qabille Oo Rajo Fiican Ka Muujiyay Xal Laga Gaadho Khilaafka Ucid DAAWO

Hargeysa,30Nov,2015(QJ/SDN)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, oo ka tirsan xisbiga Ucid ayaa markii u horaysay sheegay in la rajaynayo khilaafka Ucid laga gaadho xal todobaadada soo socda. Waxa uu sheegay in lagu hawlan yahay dhexdhexaadinta hogaanka Ucid.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada muranku ka dhexeeyo iyo taageerayaasha xisbiga in la joojiyo hadalada saxaafadda la isku marinayo kadib markii guddoomiye Faysal iyo Jamaal ku yooyootameen saxaafadda maalmihii u dambeeyay.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal ayaa ku kala aragti fogaaday musharaxnimada xisbiga oo guddoomiyuhu rabo in lagu wareejiyo cid uu rumaysan yahay inay Jamaal kaga haboon tahay, halka Jamaalna ku doodayo in saddex sano ka hor loo doortay xilkaasi sidaasi darteedna aan laga bedeli Karin.

 

Comments are closed