|

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Somalia oo Diyaariyey Mooshin ka Dhan ah Dalka Isu taga Imaaraadka oo ay ku eedeeyeen inay kala Jarayso Midnimada Somalia  DAAWO

Muqdisho 26. September 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya bilaabay diyaarinta mooshin ka dhan ah dowladda Iskutaga Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay in ay fara gelin ku heyso arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo qorshahaasi ku aadan diyaarinta mooshinkaasi oo ay wadaan xildhibaanada qaar.

 

C/laahi Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in uu aad uga war haayo dhaqdhaqaaqa la xiriira mooshinka laga diyaarinaayo dowladda Imaaraadka Carabta oo ay abaabulkeeda wadaan xildhibaannada.

 

Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeynayaa in ay faragelin toos ah ku hayso Siyaasadda Soomaaliya, kaddib go’aankii dhexdhexaadnimada dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka dalalka Khaliijka ka taagan.

 

Mas’uuliyiinta maamul goboleedyada dalka qaarkood ayaa dhawaan tagay Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, iyaga oo la soo kulmay madax ka tirsan Imaaraadka, si ay taageero ugu fidiyaan go’aankii xulufada Sacuudiga ay ku xanibeen dowladda Qatar.

 

Arintan ayaa dhinaca kale iska horkeentay dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah federaalka.

Comments are closed