|

Madaxweynaha Dalka Adduunka Ugu Da’da Yar Isla Markaana aan Weli Aqoonsi helin Oo Booqasho Hawleed Ku Yimid Somaliland!!

Hargaysa 26. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Xorta ah ee Liberland Md Vit jedilck oo uu wehelinayo Wasiirkiisa Madaxtooyada ayaa booqasho hawleed oo saddex maalmood ah ku yimid dalka Somaliland.

Weftigan ka socda dalka Liberland ayaa ka soo degay gegida dayuuradaha ee Egal International Airport ee Caasimadda Hargeysa, waxaana dalka ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, sidaasi awgeedna waxa isla markiiba la dejiyey Weftigan Maansoor Hotel.

Haddaba, Wararka Wargeyska Himilo ka helayo ujeeddada booqashada weftigan ka socda dalka Jamhuuriyadda Xorta ah ee Liberland ayaa sheegaya inay tahay sidii ay u abuuri lahaayeen iskaashi iyo wax wada qabsi dhex mara labada dal ee Somaliland iyo Liberland. Warku waxa kale oo uu tilmaamay inay u qorshaysan tahay in Dalka Lebarland deeq caawimo ah oo dhan hal milyan oo dollar ay u fidiyaan dalka Somaliland.

Warku waxa uu intaasi uu ku darayaa in Weftigan ka socda dalka Liberland muddada ay ku sugan yihiin dalka Somaliland inay booqan doonaan goobo muhiim ah oo ku habboon maalgashiga oo ku kala yaalla gobollada dalka qaarkood,  waxaana la sheegay in weftigan ka socda Dalka  Jamhuuriyadda Xorta ah Liberland ay si weyn u dannaynayaan sidii ay u maalgashan lahaayeen kheyraadka dalka Somaliland.

TAARIIKHDA JAMHUURIYADDA XORTA AH EE LIBERLAND

Dalka Jamhuuriyadda Xorta ah ee Liberland waa Dalka saddexaad ee ugu yar Adduunka, waxaana cabbirka dhulkiisu uu guud ahaan dhan yahay 7km/sq.

Liberland, waa dal madaxbannaan oo ku yaalla meel yar u dhexaysa waddamada Croatia iyo Serbia, gaar ahaana dhinaca Galbeedka wabiga Danube.

Dalka Liberland waxa uu ka dhashay khilaaf xudduudeed dhex maray waddamada Croatia iyo Serbia, iyadoo aanay hore ciddi u lahayn amase u sheegan jirin lahaanshaha dhulka yar ee raacsan Wabigaasi, waxaana dhulkaasi uu ahaa dhul aanay ciddi lahayn, balse markii uu dhulkaasi uu qabsaday Guddoomiyihii Xisbiga Muwaadiniinta Xorta ah oo ay taariikhdu aheyd 13kii bishii April ee 2015, ayuu ka aasaasay dawlad cusub oo la yidhaahdo Liberland.

Dalka Jamhuuriyadda Xorta ah ee Lebarland waxay leedahay astaan iyo Nidaam siyaasadeed oo ku dhisan Dimuqraadiyada tooska ah oo macnaheedu tahay inay dhammaan dadka qaangaadhka ah ee ku dhaqan Lebarland ay xubin ka yihiin Golaha sharci dejinta ee Dalkaasi.

Ugu dambeyntii, Dalka Jamhuuriyadda Xorta ah ee Liberland waa dal aan aqoonsi ka haysan Dal kaliya oo ka mid ah  guud ahaanba dunida ama waddamada ku jira Qaramada Midoobay, waana dalka dalalka Adduunka ugu da’da yar oo waxa uu dhashay 28bilood ka hor amase wuxuu jiraa laba sano iyo afar bilood oo kaliya.

Comments are closed