|

Xildhibaano Muxaafid ah oo Soo Jeediyey in La Fuliyo Go’aamadii Xakamaynta Sicir Bararka ee Madaxweynuhu Soo Saaray

Hargaysa 21. April 2017 (SDN/QJ):- Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo jeediyay in la dhaqan geliyo go’aamadii uu madaxweynuhu ka soo saaray sicir-bararka xadhkaha goostay iyo kor u kaca qiimaha isku bedelka sarifka lacagaha.

Xildhibaanadani waxa kale oo ay ka hadleen abaarta riiqda dheeraatay ee saameynta taban ku yeelatay bulshada gobollada bariga Somaliland, waxaanay xukuumadda  ugu baaqeen in wadanka xaalad degdega la galiyo si loo samato bixiyo dadka ay abaartu naafeysay.

 

Xildhibaanadan oo kala ahaa Faarax Maxamuud Cabdule Cali (Faarax-dheere) iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) waxa ay sidan ka sheegeen mar ay warbaahinta kula hadlayeen xarunta goleyaasha Baarlamaanka, waxa ugu horrayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay xildhibaan Faarax Maxamuud waxaanu yidhi “Sicir-bararku wuxuu marayaa halkii ugu danbeysay, maanta dadkii magaalada ee awalba dadka wax tarayey waxaa ku habsaday sicir-barar, dawladdu go’aamo ayay ka soo saartay, go’aamadiina may soconin, waxay ku socon waayeenna ma garanayno, go’aamadii madaxweynaha Somaliland soo saaray ee laga soo saaray arrintan sicir-bararka waa in la dhaqan geliyaa oo ay socdaan, waxna way ka qaban lahaayeen, golaha wasiirrada ayaa u codeeyay, madaxweynaha ayaa digreeto ku soo saaray, markaa waa in ay socotaa, haddii dadka sicir-bararkan laga jabin waayana waxaa iman doonta waxa ka dhalan doona mushkilad caam ah.”

 

“Madaxweyne, wadanku xaalad adag buu ku jiraa madaxweyne ku xigeenoow wadanku xaalad adag ayuu ku jiraa, wasiirrow xaalad adag buu ku jiraa, gudoomiyayaasha xisbiyada waxaan leeyahay waar doorashada waan idiin ogolnahay, waan idinla shaqeynaynaa, waala qabanayaa lana kordhin maayo, sidan ay imika tahay ayaanay ku sii soconysaa, hase ahaatee inta ka horeysa ummadiina u shaqeeya.

Waxaan idin leeyahay joojiya xafladaha inta wadanku ku jiro xaaladda noocan ah, dalkii waxba ma gaadhin gobolna-gobol la mid maaha, maanta halka ay abaartu marayso, gobolo dhan iyo degmooyin aan ciddiba tagin oo abaartu halis ku tahay ayaa jira, dalka ayaanu warka haynaa xog ogaal ayaanu u nahay intaas oo jeer ayaanu tagnady waa nalala soo hadlaya oo guddidi abaaraha ma hayno ayay leeyihiin wasiirradii ma hayno ayay leeyihiin badhasaabadii gobollada joogay ayaa xataa kormeerkii iska daayay,”ayuu yidhi Faarax Dheere.

 

Waxa kaloo uu   intaas ku daray “Dadkii iyo xoolihiiba waa ay socdeen, waxaasina wax macquula maaha, waxaanan leeyahay nin kasta oo masuula oo gobolka uu joogo, wasaarada uu joogo iyo xilka uu hayo aan ka soo baxayni heyskaga tago, dadka ganacstada ah, dadka dibada iyo cidkastaba waxaan leeyahay waar dadkiinii waa bakhtiyayaa, lacagta maanta aad haysataana baayac mushtarow waxaa aad ka hesheen waa dadkiinna, waar dadka ha loo gurmado.”

 

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) ayaa isaguna xukuumadda ugu baaqay inay wadanka galiso xaalad degdega inta lagu jiro marxaladan qalafsan ee abaareed,  waxaanu yidhi “Illaahay raxmaad degdega ayaynu ka baryeynaa, dadkii waa jilicsan yihiin, xoolihii waa ay jilicsan yihiin, habar dugaag oo dhami waa jilicsan yahay, Waraabihii ayaa imika dadkii looga baqayaa, Qudhaanjadii ayaa dhammaanaysa, doofaarkii ayaa dadkii cunaya, Illaahow, dawladda waxaanu ugu baaqaynaa in xaalad degdega lagu dhawaaqo, dadkii waxba kuma noola ee dad badan ayaa dhintay ama shuban biyood ha u dhinteen amase nafaqo la’aan ha dhinteene, maalin dhaweyd waxaa jirtay nin is deldelay, kadib markii gabadhiisi gaajo iyo haraad u dhimatay, qof kasta oo maqlay waa uu ooyay.”

 

Xildhibaan Nac-nac, waxaa uu guddida gurmadka  abaaraha ugu baaqay inay soo sameeyaan kaadhadh dadka kurka loo sudho si loo helo dadku wax ay intaas ku sii noolaadaan, haddii abaartu sii daba dheeraato, waxaanu yidhi “Guddida abaaraha waxaan ugu baaqaynaa inay soo sameeyaaan kaadhadh uu ku qoran yahay lanbarka lacagta lagu shubayo oo qoortana loo sudho cid kasta oo reer Somaliland ah, si qofkasta oo Somalilander ahi uu ugu soo shubo hal dollar iyo laba doollarka.

Ganacsatadana waxaanu leenahay haddii aad dadkiinna u nixi weydaan walaahi in la idin boobi doono, waxaan leeyahay haloo hoggaansamo dawladu wixii ay soo goysay, laba dukaan ayaa midba wax kuu sheegaya haddii ummadu dhimatana idinku noolaanmeysaan ganacsatada waxaan leeyahay waar wixiina wax ka bixiya qofkaan naxariisana Illaahey uma naxariisto”

Comments are closed