|

Maxaad Kala Socotaa Jasiiradda Hawaii oo Ka Mid ah Gobolada Maraykanka Balse aan Ku Oolin Dhulka Maraykanka,Waa Sidee Nolosheedu, Bulsho Somaliyeedse Ma Ku Nooshahay ? DAAWO

Hawaii 21. April 2017 (SDN/QJ):- Jasiirada Hawaii Waa Qayb ka mid ah Dhulka Maraykanka Waxay Caasimadeedu Tahay Honolulu.

Guud ahaan, gasiiradaha Hawaii waxay caan ku yihiin dalxiiska iyo tamashlaha, caasimada Honolulu oo ku taala jasiirada Owahu ayaa ah magaalada ugu weyn ee ugu horeeysa deegaan ahaan.

Waxaa intaasi dheer, Caasimada Honolulu waa xarun Ciidanka Xooga dalka Maraykanka taasi ooy ku taalo Dekeda Pearl Harbour ee caanka ku ahayd duqayntii diyaaradaha ciidamada cirka ee wadanka Jabaan goortii lagu jirey Dagaalkii Labaad ee Aduunka. Deegaankani waa mid ka mid ah xarumaha milatari ee ugu wayn ciidamada Maraykanka, halkaasi ooy ku hayaan hub iyo ciidan aad u badan.

Intaasi waxaa dheer, Caasimada Honolulu waa xarun ganacsi taasi oo kulmisa safarada galbeedka iyo bariga ee dhex mushaaxaya Badweynta Baasifik.

Waxay ku caan baxdey soo dhawaynta, dalxiiska, hidaha iyo dhaqanka daka u dhashay Hawaii, cuntooyinka, madaalada, tumashada iyo tamashlaha.

Comments are closed