|

Xirsi oo ahaa masuulkii Dabagale kala shaqeeyay darajada iyo waxa is-bedelay

Hargeysa. 7 August, 2022 (QJ)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Xirsi Cali X. Xasan, waxa uu ahaa masuulka hore uga caawiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Dabagale, in uu helo darajada ciidanka ee uu haysto.

Qurbejoog ayaa ogaatay in taliye Dabagale oo wata odayaasha beeshiisa ay u tageen Xirsi Cali X. Xasan oo ahaa Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland, iyaga oo ka dalbaday in la siiyo darajo ciidan xili aanu wax darajo ah haysan taliye Dabagale. Waxay ku beegnayd wakhti gii ay ciidamada Somaliland dallacsiinta iyo darajada helayeen.

Gudoomiye Xirsi ayaa taliye Dabagale kala shaqeeyay in uu helo kornayl isaga oo markaa ahaa ciidanka milatariga, waxaana markii danbe loogu daray xidig kale isagoo noqday jeneraal.

Lama oga meesha uu taliyaha booliska Somaliland ka qaaday dagaalka uu kula jiro Xirsi, iyadoo gudoomiyuhu uu ka caawiyay in uu helo xidigaha uu maanta sito ka hor intii aanu madaxweynaha Somaliland dallacsiin dhawaan. Dad badan ayaa u fasirtay arintan abaal-ka-dhac uu sameeyay taliye Dabagale.

Maanta ayay shacabka Somaliland ku baraarugeen taliyaha booliska Somaliland oo eedaymo culus u jeedinaya gudoomiyaha xisbiga Waddani, iyadoo ay cadho badan ka muuqatay.

Comments are closed