|

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Ka Hadlay Shixnado Ganacsi oo Ku Xaniban Dekeda Berbera DAAWO

Hargaysa 16. August 2017 (SDN/QJ):- Ganacsatada Somaliland ee fadhigoodu yahay magaalada Berbera ee gobalka Saaxil ee alaabta kala soo degta, kana dhoofisa dekedda Berbera ayaa qaylo dhaan ka muujisay isbedelka hoos u dhaca ah eek u yimid dekedii Berbera tan iyo intii DP world ay la wareegtay maamulka dekeedda.

Waxaa dhawrkii Maalmood ee la soo dhaafay cabasho xoogani ka soo yeedhaysay qaar ka mid ah Ganacsatada wax ka soo dejiya Dekeda berbera oo ka cabanayay in Shixnado ganacsi oo dalka soo geli lahaa ay ku xaniban yihiin dekeda berbera kadib markii Maamulka shirkada DPW ee la wareegtay Shaqada Dekedu ay qaab cago jiid ah u soo rogto badeecadaha ganacsi ee dalka imanaya,iyadoo wararku sheegayaan in Maraakiib agab ganacsi sidaa ay in mudo ah taagan yihiin marsada berbera iyagoon hayn cid ka dejisa alaabta ay sidaan.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay sida aanay u daba gelin shirkadan DPW.

Comments are closed