|

Mid ka Mid ah Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Ka soo Jeeda Gobolka Awdal oo si adag ula Hadlay Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiiladda ee Sheegay inay Ku Biirayaan Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 16. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka boosha iyo isgaadhsiinta Somaliland mudane Mustafe Faarax Abraar, ayaa si adag uga hadlay xildhibaano dhawaan ka dareeray xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

 

Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Xildhibaanada reer Awdal waxaan leeyahay waar raga qowlbaa xidha dumarna meherbaa xidha, raga qowlbaa xidha inaad xisbiga aad doontaa gashaa waad u madax banaan tahay inaad ninkaad doonto u codeysona waad u madax banaan tahay laakiinw waxaan meesha qaban inaad kolba meel aad madaxa la gasho, oo aad khaakhaawisto waxaad huwan tahay magacii gobolka sharaftii ragii ku soo doortay waar wax u tudha reer Awdala sidaas maaha, dad qowle weeyaan, dad go’aan leh weeyaan dad siyaasadana ciday raacan la socda weeyaan maaha dadkolba meel khaawisa oo raaca”

Comments are closed