|

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Mar Kale Muraaqibiintiisii Kala Baxay Xarunta Guddida Doorashada!!

Hargaysa 19. November 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa mar kale muraaqibiintiisii kala baxay xarunta guddida Doorashada ee ay Ka socotay tirinta qaar ka mid ah codadkii laga dhiibtay gobolada dalka ee doorashadii madaxtooyada.

Sida ay Wararka sheegayaan go’aanka xisbiga Waddani uu kula baxay muraaqibiintiisa uu ka dhashay ka dib markii ay guddida doorashadu ka hor istaageen in la baadho qaar ka mid ah sanduuqyadii Gabiley oo ay cabasho ka qabeen xisbigaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xisbiga Waddani uu si gaar ah u bartilmaameedsaday afar sanduuq oo lagaga codeeyey khayriyada magaalada Gabiley, kuwaas oo loo tirinayey in lagaga   codeeyey kaadhadh aanay gacanta ku haysan dadkii lahaa.

Warka ayaa intaas ku daray in markii ay muraaqibiinta xisbiga Waddani u qaabilsanaa guddida doorashadu ay damceen inay baadhaan sanduuqyadaasi ay ka hor istaageen guddida doorashada ee heer qaran,kuwaas oo muraaqibiinta xisbiga Waddani ku war geliyey inay iyagu baadheen sanduuqyadaasi oo lagu kalsoonaado, taas oo xubnaha xisbiga Waddani ka biyo diideen.

Wali waxa xarunta guddida doorashooyinka ka socda tirinta codadkii laga dhiibtay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Comments are closed