|

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Mawjado Dad ah & Wacdare la yaableh ka Dhigay Caasimadda Dalka ee Hargaysa DAAWO

Hargaysa 23. October 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Maanta Guud ahaan Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka Waxa uu ku soo bandhigay Dhoola Tus xoogan oo Siyaasadeed Isla markaana uu ku Muujinayo Cuddudiisa ku wajahan Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda.

Magaalooyinka uu sida weyn Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maanta isu soo baxyada ka dhigay waxaa Ka mid ah Caasimadda Somaliland ee Hargaysa,Magaalooyinka Burco,Berbera,Ceerigaabo,Laascaanood Iyo Boorama iyadoo ay dadweynaha taageersan Xisbiga Waddani ay isu soo baxyadan kala qayb galeen Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo La dabaal degay Shacabka ku dhaqan Caasimadda Hargaysa iyo Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Waddani Ambassador Maxamed Aw Cali Cabdi oo Bulshadda Magaaladda Boorama kala qayb galay Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda,Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Taageerayaasha Xisbigaasi ee Magaaladda Ceerigaabo la wadaagay dareenkooda.

Ugu horayn Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Caasimadda dalka ee Hargaysa ayaa waxaa isugu soo baxay Taageerayaal Tiro badan Waxaana Halkaasi Khudbad uga Jeediyey Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro & Madax kale.

Comments are closed