|

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Maxkamada Dastuuriga ah u Gudbiyay Dacwad Iyo Xukuumada oo ka Hadashay DAAWO

Hargeysa 20, September, 2016 –(SDN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamada Dastuuriga ee Somaliland.

Dacwadan Xisbiga Waddani u gudbiyay Maxkamada Sare ayaa la xidhiidhay cabasho ay ka muujiyeen  qaraarkii madaxwaynaha Somaliland ku kala qaaday Doorashooyinka Wakiilada iyo baarlamaanka Somaliland.

Kulan  Albaabadu u xidhanyihiin oo ay wada yeesheen Masuuliyiinta Xisbiga Waddani iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare kadib waxaa warbaahinta la hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbgaas Maxamed Uurcade.

“Maxkamada waxaanu u gudbinay dacwad la xidhiidha qaraarkii Madaxwaynuhu ku kala qaaday Doorashooyinka ee golaha wakiilada loo Gudbiyay  oo Xisbiga Waddani u arko qaraar sharciga baalmarsan”ayuu yidhi Xoghaye Uurcade.

Dawladaha Somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa walaac ka muujiyay Doorashooyinka Is barkan ee madaxwayne Siilaanyo kala qaaday.

Dhinaca Kalena, Waxa Jawaab ka bixisay war-murtiyeedkan Waddani kasoo saaray qaraarkii madaxweynaha, xukuumadda Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka warka Xukuummada Somaliland oo ka Jawaabtay Warmurtiyeedkii Xisbiga Waddani kaga Hadlay Qaraarkii Madaxwaynaha.

Comments are closed