|

Xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo Boorama Ku Qabtay Xaflad Ku Biirista Dallada Gurmad,Weedhihii Laga Jeediyey & Gudoomiye Muuse oo Sheegay in Lagu Takri Falo Awoodii Madaxweynaha DAAWO

Boorama 26. April 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Magaalada Boorama kaga qaybgalay munaasabad lagu soo dhoweynayey dhalinyarada dalladda Gurmad oo si rasmi ah ugu soo biiray Xisbiga Kulmiye.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey soo dhawaynta dalladda GURMAD oo lagu qabtay hutel Rays ee magaalada Boorama maanta, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Md. Xuseen Aadan Cadde, hoggaanka garabka dhallinyarada xisbiga ee heer qaran, Wasiirrada Wasaaradaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada – Maxamuud Sheekh Cabdillaahi iyo Maxamed Axmed Obsiiye, wasiiru-dawlayaasha Wasaaradaha Beeraha iyo Ganacsiga, madaxda heer gobol iyo heer degmo ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobolka Awdal, masuuliyiinta dawladda ee heer degmo iyo gobol ee Awdal, hoggaanka dallada Gurmad ee xisbiga la midowday, salaadiin, cuqaal, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweeyey taageerayaasha cusub ee ku biiray ee xisbiga, isla markaana lagu bogaadinayey go’aanka ay xisbiga kula midoobeen.

Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Khudbad ka jeediyey Xaflad loo sameeyey Dhalinyaro ku biirtay Xisbiga Kulmiye oo lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaanu ku dooday in dib-u-dhaca doorashada iyo muddo-kordhinta dhawaan la sameeyey ay Masuuliyaddeeda leeyihiin Xisbiyada Mucaaradka ah, gaar ahaan Waddani, waxaanu sheegay inaanu mar kale aqbali doonin doorashadu in wakhtigeeda dib uga dhacdo.

Waxa uu Musharrax Muuse Biixi naqdiyey hadallo uu sheegay inay ka soo yeedheen Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani iyo Hoggaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu isaga ku tilmaamay Nin Shan sano xil uu u adeegsaday awoodo dheeri ah ka hayey Xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo, boogihii uu geystayna ay weli dhayayaan, halka uu Cirro ku eedeeyey inuu 13 sano hoggaaminayey Golaha Wakiillada oo uu masuul ka yahay wax alla wax Sharci dalka qabyo ka ah.

“Waxaynu maqalnaa madaxda WADDANI oo tidhaahda hebel baa wax loo qabanwaayey iyo dalkii KULMIYE ayaa hagraday, waase yaabe shanti sanno ee ugu dambeeyey labada nin ee hoggaaminta WADDANI wadaaga mid waxa uu ahaa wasiirkii ugu awoodda badnaa ee dhan walba wax u toociyey ee cid walba jiidhay ee waliba taariikhda siyaasadda ummaddii shacabka ahayd ee uu wasiirka u ahaa gabay gooddi, faan hanjabaad iyo dhaadasho ah isugu daraayay isagoo ka faa’iidaysanaaya awoodii Madaxweynahaya oo Aan loo dooran”. Ayuu yidhi Oday Muuse Biixi

Comments are closed