|

Dawladda Turkiga oo Xidhxidhay Maanta Dad Kun Qof ka badan oo lagu Tuhmay Inqilaab Fashilmay

Ankara/Istanbul 26. April 2017 (SDN/QJ):- Booliiska Waddanka Turkiga, ayaa Xidhxidhay illaa Kun (1,000) Qof oo looga shakisan yahay in ay qayb ka ahaayeen dhaqdhaqaaq lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Afgambigii dhicisoobay ee sannadkii 2016-kii.

2,200 (Laba Kun iyo Laba Boqol) oo Ruux oo kale, ayaa Ciidanka Ammaanku baadigoobayaa, iyada oo ay dawladdu bartilmaameedsanayso Dad ay ku sheegtay inay si sir ah ama qarsoodi ah isugu xidhnaa oo ka tirsan intooda badan Ciidammada Booliska ee Turkiga oo la tuhunsan yahay inay qayb ka ahaayeen Shabakad isku xidhan oo ku luglahaa in Qilaabka fashilmay 15-ka bishii Julay sannadkii 2016-kii.

 

Dawladda Turkigu waxay sheegtay in afduubkii 2016-kii uu soo abaabulay Wadaadka Maraykanka Mastaafuriska ku jooga ee Turkiga u dhashay ee Fethullah Gulen; si uu xilka uga tuuro Madaxweynaha Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan.

 

Toddobaadkii Madaxweynaha Turkiga, ayaa ku guulaystay Afti sare u qaadaysa awoodaha Madaxweynaha Turkiga oo Dastuurka lagu kordhinayo. Guushaas oo ahayd mid dirqi ah, ayaa Erdogan u saamaxaysa in uu awood wayn yeesho, taas oo meesha ka saaraysa Madaxweynennimada Turkiga oo markii hore iska maamuus-ahaan ahaan jirtay, balse hadda awoodo badan uu yeeshay Madaxweynuhu, halkii Raysal-wasaaruhu marka hore awoodaha badi lahaan jiray.

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee Trkiga Suleyman Soylu, ayaa laga soo xigtay in 72 deegaan ay ka soo xidheen 1,009 (Kun iyo Sagaal) Imaam oo qarsoodi ahaa; sida lagu sheegay Warkan oo aannu ka soo xigannay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Bayjkeeda Internet-ka.

Comments are closed