|

Xisbiga Waddani Oo Dacweynaya Rag Iyo Haween Ka Tirsan Xukuumadda Oo Uu Ku Eedeeyay Musuqmaasuq

Hargeysa, 22 September, 2016-(SDN/QJ):– Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inuu Maxkamad la tiigsan doono Masuuliyiin Rag iyo Haween ah oo Xukuumadda Somaliland ka mid ah, kuwaasi oo xisbigu ku eedeeyay inay Hantida Ummadda ee ay Masuulka ka yihiin ku Takri-faleen.

 

BARKHAD JXoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xubnaha Xukuumadda ka tirsan oo aanu Magacyadooda iyo Xilalka ay hayaan aanu sheegin, ay si qaawan Dalka uga geysteen Musuqmaasuq.

 

Barkhad oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Waxaanu dacweynaynaa Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo Rag iyo Haween bal eh oo Hantidii Ummadda qaatay, ee marin Habaabiyey Maamuuskii iyo Martabaddii uu Madaxweynuhu ku lahaa Qarankan, ee Qabiil Qabiilka iyo Qoys Qoyska u qaybiyey ee Qarankan Qasay, ee Qabyaaladda ku qaybiyey ayaanu Dacweynaynaa, Maxkamadda ayaanu soo taagi doonaa oo waanu ku caddeyn doonaa (Kiisaskooda).”

 

Xisbiga WADDANI, ayaa toddobaadkan Maxkamadda sare u gudbiyey Dacwad ka dhan Go’aanka Madaxweynaha Somaliland uu ku kala qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, taasi aan illaa hadda Maxkamadda sare wax Go’aan ah ka soo saarin.

Comments are closed