|

Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda ee UCID Maxamed Haruun oo ka waramay sharcinimada musharax Jamaal Cali Xuseen

London March 28,2016(SDN/QJ)-Xoghayihii hore ee xisbiga cadaalada iyo Daryeelaka UCID Maxamed Haaruun Biixi oo ahaa aqoonyahankii isku duba riday heshiiskii ay ku bahoobeen Jamaal Cali Xuseen iyo UCID ayaa markii u horeysay ka waramay sharcinimada Musharax Jamaal Cali Xuseen.

Aqoonyahan Maxamed Haruun Biixi ayaa barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in Jamaal Cali Xuseen uu yahay musharaxa sharciga ah ee Xisbiga UCID.

Qoraalka Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda ee UCID Maxamed Haaruun Biixi ayaa sidan u qoraa “Wax la yidhi niman mayd sida, ayaa si xaal ka noqdayba, uu maydkii gacmahooda ka muruxsaday oo ka dhacay. Nin raggii ka mid ah ayaa yidhi – hadda ayaa uu sii go’ay! Ayaan daradda xisbigan dhexdiisa ka jirta, ee bixi wayday, cid keliya ayaa eedeeda oo aan qaybsanayn iska leh, waana Faysal Cali Xuseen. Baabuur ayaa uu Faysal ku wadaa biriij aad u dheer dushiisa, hadba midig iyo bidix ayaa na uuu si xooggan isteerinka ugu qabanayaa. Dhibtu waxa ay tahay, haadaanta hareeerihiisa ee biriijka ka hoosaysa ma arko, ama ma doonaayo in uu arko. Ma dareensana waxa uu samaynaayo in isaga iyo gaadiidka uu saaranyahay (UCID) ba ay ku bixi karaan, oo aan dib loogu yeedh-yeedhi doonin. Faysal si jees-jees ah, oo cidnaba aanu kala tashanin, ayaa uu suuqa (Hotel Maansoor) uga leeyahay Jamaal ma aha musharax! Wa hadal af ka wayn. Anigu gacantayda ayaa aan ku qoray heshiiskii qoraalka ahaa ee uu Jamaal xisbiga ku soo galay, isla markaana musharaxxa ku noqday. Faysal qoraalkaas waa uu saxeexay, golaha dhexe ee xisbiga, oo Faysal uu koow ka yahay na waa ansixiyay, tobanaan xafladood na waa uu kaga khudbeeyay in Jamaal la doorto. Hadda waxa uu Faysal leeyahay wixii oo dhan halna ma ka jiro, hadda iyo markii horeba aniga ayaa sax ah. Xubnaha xisbigu na waxa ay leeyihiin – waa hadii aan ka yeelno! Weli tan oo kale? Gari tol ma taqaanno, oo Faysal ma taqaanno, oo xisbi ma taqaano. Gari Ilaahay baa ay taqaanaa!

– Wadartii tolkay, iyo intii waaxid iga beeray.
– Wiil iyo walaaloba hadii, aanu isku waayayno.
– Walee midhka ila gudboon, baan cidi I waydaarin”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa si bareer ah u daadifeeyay heshiiskii sharciga Xisbiga waafaqsanaa ee uu Jamaal Cali Xuseen ku noqday musharaxa madaxweynaha UCID ka dib kolkii uu Jamaal dhaleeceeyay madaxa ka mida Kulmiye iyo Ganacsade reer Jabuuti ah.

SDN.QJ-London

contact@qurbejoog.com

Comments are closed