|

Xukuumadda Federaalka Somalia oo Markii Kowaad ka Hadashay Sababta Keentay inay Xidho Siyaasi C.raxmaan Cabdi-Shakuur!!

Muqdisho 18. December 2017 (SDN/QJ):-Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo xeer illaaliyaha guud Axmed Daahir ayaa laga akhriyay war qoraal ah oo lagu faahfaahinayo sidii ay wax u dhaceen.

Cabdicasiis Cali Ibraahim oo ah afhayeenka wasaaradda amniga oo warqada akhriyay ayaa yiri “Hay’adaha Amniga iyaga oo gudanaya waajibaadkooda, iyo awaamiirta madaxda ayay abaaro 11kii iyo barkii habeenimo xalay ay tageen guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyo, muwaadhiniintii guriga joogtay waxa ay u hoggaansami waayeen amarkii la siiyay, iyadoo la waday warqadihii ruqsada baarista, guriga waxaa ku sugnaa Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah shaqsigii ruqsada loo qaatay, wuxuu si cad uga horyimid awaamiirta, kadibna ciidammada illaalada u ahaa waxa ay rasaas ku fureen ciidammadii ka socday hay’adaha amniga” .

Waxa uu intaas ku daray in ay ku guuleysteen in ay soo xiraan Cabdiraxmaan, islamarkaasna sharciga la marin doono.

Sida ku cad qoraalka dowladda kasoo baxay, dambiyada lagu eedeeyay Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in ay yihiin ‘ qiyaano qaran, khal-khal gelin iyo burburin nidaam dowladnimo, iyo u adeegis dano dowladdo shisheeye’. Lama sheegin kuwa ay yihiin dalalka shisheeye ee danahooda loo adeegayo.

Wasiir Isloow oo hadlay ayaa dhankiisa shaaciyay amar cusub oo ku saabsan shirarka lagu qabto Muqdisho “Waxaan rabnaa in aan halkan ka caddayno in goobaha lagu shiro aanan lagu shiri karin iyada oo aan fasax la heysanin, horeyna waan u caddaynay, waxan rabnaa in marka la shirayo fasax laga qaato wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Banaadir”.

Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir ayaa sheegay in aysan jirin cid sharciga ka saraysa, islamarkaasna socoto baaris daah furnaan ah oo “ay cid kasta ku qanci doonto” sida uu hadalka u dhigay.

Warbaahinta lama tusin Cabdiraxmaan ama wax sawirro ah oo muujinaya muuqaalkiisa tan iyo intii la xiray, balse waxa ay mas’uuliyiinta sheegeen in uu badqabo.

Sida ayba dowladda qirtay hawlgalka waxa uu ahaa mid rasaas la’isku weeydaarsaday, waxaana jira warar ka hadlaya in ay dad ku dhinteen, balse mas’uuliyiinta maysan ka hadlin cid dhimatay ama dhaawacantay.

Hawlgalka xalay lagu qaatay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu dhacay saacado kadib markii shalay Xeer Illaaliyaha Guud uu soo saaray codsi uu golaha baarlamaanka uga doonayo in ay xasaasanada ka qaadaan labo xildhibaan si loogu soo oogo dacwado la xiriira qayaano qaran iyo u adeegista dalal shisheeye.

Mid ka mid ah xildhibaanada eedda loo jeediyay oo lagu magacaabo Xildhibaan Saabir Shuuriye ayaa isaga oo Dubai ku sugan beeniyay eedeymaha, kuna tilmaamay kuwa lagu aamusinayo isaga iyo xildhibaanada kale.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaanan la xirin ka hor boggiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo eedeymaha loo jeediyay xildhibaanada, wuxuuna ku tilmaamay talaabo lagu doonayo in lagu burburiyo dimoqoraadiyadda.

Xisbiga Wadajir ee uu madaxda ka yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa cambaareeyay xariga siyaasiga.

Comments are closed