|

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Jawaab ka Bixisay Magacaabista Madaxweyne Xasan Sheekh ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somalia oo uu Noqday Garyaqaankii Guud ee Somaliland+ Dareenka Mucaaridka DAAWO

Hargaysa 06.May 2016 (SDN/QJ):- Xukumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay magacaabista gudoomiyaha maxkmada sare ee Somaliya kaasi oo maalintii shalay ahayd uu madaxwaynaha Somaliya Xilka jagada gudoomiyaha maxkamada sare u magacaabay Dr Ibraahin Iidle Saleebaan oo hore uga tirsanaa xukumada Somaliland isla markaana ahaa Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somalilnad jagadaasina iska casilay laba todobaad ka hor,

IBRAAHINWasiiru Dawlaha Amniga ee Wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye waxa uu sheegay in aanay ahayn arin cusub oo markii ugu horeysay Dhacday in Nin reer Somaliland ah xil looga magacaabo Somaliya hase yeeshee ay hore u Dhacday,

Maxamed Muuse DIiriye Wasiiru dawlaha Amniga ee wasaarada arimaha gudaha oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Arintaasi way dhici jirtey oo dad iska shaqo tagi jirayna way jiraan iyo kuwo ka horeeyey oo marka horeba tagay way jiraan oo jooga oo xilal sare ka haya markaa dee wax dhibaato ah oo uu inoo keenayaa ma jiro Waa shakhsi barito in la cafiyo doonna,

”Kolay iyo kolayba markay waxogaa maqnaadaan isamaxa ayay yidhaahdaan, markuu qof isaamax ku yidhi waan qaldamee wax ka wayni ma jiro oo qirtey danbigiisii hase yeeshee waxaan u malaynaa waxii iminka ka danbaysa in aanaan saamaxaad ku daynayne aanu abaalkooda marin doono,”

Wasiirka ayaa hadalka ka sheegay xilli uu warbaahintu wax ka waydiisay aragti ahaan sida ay u arkaan masuulkii dhawaan iska casilay xukumada in uu xil ka doontay xukumada ka talisa magaalada Muqdisho.


Comments are closed