|

Xukuumadda oo La Sheegay inay Xaraashtay Xaruntii Baanka Ganacsiga Ee Somaliland & Ciidanka Booliska oo Hawlgal ka Fuliyey Meheradihii Iyo Gaadiidkii La Hordhigi Jiray

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa hawlgal ka fuliyay Xarunta Dhismaha Baanka Ganacsiga Somaliland ee Magaaladda Hargeysa, Waxa ay xoog uga dhaqaajiyeen Gaadiid badan oo ku hor adeegan jiray baanka hortiisa iyo Meherado ganacsi oo yar yar kuwa shaaha laga cabo ah oo sanadii u dambeeyay ku shaqayn jiray Baanka hortiisa,waxaanay ciidankaasi Shalay cid kasta amar ku siinayeen inaan loo soo dhawaan baanka.

Wariye Wargeyska Foore ka tirsan ayaa Shalay arooryadii hore la kulmay Hawlgalkan ay Ciidanka Bilaysku shalay ka fuliyeen Xarunta Baanka Ganacsiga Somaliland ee kuyaala ama dhinaca Ku haya Sarta dheer ee Fooqa ah ee Dahabshil Bank ee Badhtamaha Magaalada Hargeysa, waxa uu sidoo kale dhinaca woqooyi ama wajahada Woqooyi kaga beegan yahay Diyaaradda Taaladda ah ee ka dhisan barxadda Khayriyadda Hargeysa. Waxa ay Ciidankaasi mar qudha amar ku Siiyeen Gaadiid badan oo halkaasi inta baddan lagu arko ama la hor dhigto in deg deg looga qaado iyagoo dirawalada ku khasbayay inay deg deg uga dhaqaajiyaan ama ka furan doonaan Nambarka gaadhiga,waxa ay sidoo kale xilifaha u laabeen Meherado shaaha lagu cabo oo muddo dheer halkaasi deganaa,arintaasi oo dareen horleh abuurtay. Waxa sidoo kale gudaha Dhismaha Banka ku jiray Dad shacab ah oo looga shakisan yahay inay ahaayeen ganacsato danaynaysay,kuwaasi oo goobjoogayaal markaas ku sugnaa halkaasi ay Foore u sheegeen in raggaasi gudaha dhismaha joogay ay cabirayeen Dayrka Gudaha baanka Iyadoo dhismaha Xaruntaasi kolba ku soo wareegayay,farahana taag taagayay.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ay Shalay Ciidanka Bilaysku hawlgalkan uga fuliyeen Xarunta dhismaha Baanka Ganacsiga Somaliland ee Magaaladda Hargeysa,balse warar xog ogaal ah oo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan Tuhun la la isla dhex marayo oo sheegaya in la maagan yahay in Xaruntaasi la iibiyo ama horteeda wax laga sameeyo,iyadoo ay xaruntaasi ka samaysan tahay Dhisme duug ah oo ah kii ay Dawladdii Siyaad Barre kaga tagtay,islamarkaana intii ay Somaliland jirtay aan dayactir ah laga samayn.

Xaruntan ayaa sidoo kale intii ay Somaliland jirtay wax shaqo ahi ka socon waxaana inta badan lagu dhex arkaa ciidan khaas ah iyo dad shacabka ah oo iska Hadhsanaya,waxana horteeda gaadiidka hor dhigta dadka shacabka ah,gaar ahaan waxa laga helaa Gaadiidka Takaasida ah ee la kireeyo.

Comments are closed