|

Xukuumadda Somaliland oo Ka Hadashay Degmo Ka Tirsan Gobolka Taleex oo Maamul Goboleedka Punt Land u Magacaabay Degmo DAAWO

Taleex 04. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Cadirashiid Maxamed Axmed Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaladda Taleex Ee Xarunta U ah Gobolkaasi Ayaa Ka Hadlay Faro galin ay Puntland Ku Hayso Deegaano Ka Tirsan Somaliland.

Badhasaabka oo warbaahinta qaranka la hadlayay waxa uu sheegay in deegaanka Shaxda oo 5-km gudaha ugu jira xuduuda Somaliland isla markaana sandkii 2015-kii Xukuumadda Somaliland ay u magacawday degmo dhamaystiran ayaa maamul Goboleedka Puntland ku tiriyeen degaanadooda iyaga oo laba cisho ka horna u soo magacaabay degmo ka mid ah degmooyinka Puntland.

Cabdirashiid Maxamed Axmed Badhasaabka Gobolka Xaysimo,waxa uu arintaasi ku tilmaamay faragalin ay ku keceen maamulka Puntalnd isaga oo ugu baaqay in ay arintaasi faraha kala laabtaan oo aanay ku soo xadgudbin deegaanada aan ku jirin xuduudooda ee aanay maamulin.

 

Degmada Shaxda oo ka tirsan Gobolka xaysimo Xuduudka Somaliland-na in ka badan shan kiilomitir gudaha ugu jirta waxa gacanta ku haysa Somaliland waxana degmadaasi ka jira maamulka  degmada Maajir Maayir Kuxigeen iyo Masuuliyiin kale oo Somaliland ah.

Comments are closed