|

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Sicir-Bararka Maceeshadda Ee Shacabku La Baxaa-degayaa Ka Jirto Dalalka Geeska Afrika DAAWO

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sicir-Bararka Lacagta Doollarka iyo kor u kaca Qiimaha Maceeshadda ee reer Somaliland la baxaa-degayaan.

Toddobaadyadii u dambeeyay, ayaa waxa suuqyada Sarifka ee Somaliland lagu sarrifayey boqolka dollar ee Maraykanka ah inta u dhexeysa 790,000 (Toddoba boqol iyo 90 kun) oo shilinka Somaliland ah, halka marka Qofku Shilinka Somaliland sitana Boqolka Doollar lagaga iibinayey 8,15000 oo Shilin (8 boqol iyo 15 kun oo Shilin), halkuu badhtmihii sannadkii hore Boqolka Doollar lagu kala sarifan jiray inta u dhexeysa Lix boqol iyo Koton illaa Lix boqol iyo 80 kun, taasina waxay dhinaca Quutal-daruuriga ka saamaysay Shacabka reer Somaliland, maaddaama oo Ganacsatadu iibka raashinka ku qiimeeyaan Doollar.
Laakiin, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa sheegay in Kor u kaca Qiimaha Sarrifka doollarka iyo Maceeshadda ay kala siman tahay Dalalka Geeska Afrika, waxaanu yidhi, “Sicir-bararka iyo Maceeshadda oo kolba kor u kacdaa waxay ka jirtay Guud ahaan Geeska Afrika.”
Wasiiru-Dawluhu wuxuu difaacay Qiimaha Ganacsatadu ku iibiyaan Maceeshadda, “Arrimaha Ganacsigu maaha wax jaan go’an oo meel jooga. Ganacsataduna Allaabbay soo iibsadaan, marba Qiimaa lagaga soo iibiyaa, halkana waxay kaga baxdaa qiimihii ay ku baxaysay.”
Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay inay Wasaarad ahaan doonayaan inay jaan-gooyaan Qiimaha Ganacsatadu wax ku iibiso, “Waxa nooga qorsheysan inaanu isha ku hayno inaan Ganacsatada Jumladda keenaya iyo kuwa Tafaariiqda bixinayaa aanay Dadka cidhiidhi ku gelinin Quutal-daruuriga, oo aanu xaqiijino Qiimayaasha Ummadda wax lagaga iibinayo, si aanay u noqonin in Nin walba wuxuu doono aanu wax ku iibinin, iyadoo loo eegayo wixii ay soo siisteen.” Ayuu yidhi, Wasiiru-dawlaha oo u warramayey Telefiishanka STAR, waxaanu intaa ku daray, “Ganactadu waa inay u naxariistaan Dadkooda ay ka Ganacsanayaan ee ay ka faa’idayaan, waxaan u soo jeedinayaa inay il-gaar ah ku eegaan Dadkooda oo ay wax kaga iibiyaan wixii Macquul ah, ee aanay noqonin inay ku tacadiyaan ama Ribo iyo wax ka badan ka doonaan.”

Comments are closed