|

Xukuumadda Soomaaliya oo shirka Khamiista guud ahaan alShabaab kaga hadashay

Muqdisho. 29 September, 2022. (QJ)- Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta ka dooday hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada argagixisadu shacabka ku dhibaateeyaan, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ka gaadheen howl-gallada lagu cidhib tirayo nabad diidka ee ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka lagaga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada guuleystay ee nabad-diidka looga xorreeyay deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka laga xoreeyay argagixisada.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen
Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka ilaa hadda ay ka sameyeen doorkooda cidhib tirka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo argagixisada isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaadhsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.

Comments are closed