|

Ma ogtahay xogta Genel Energy iyo shidaalka Sallaxley laga helay

Hargeysa. 29 September, 2022. (QJ)-

Hargeysa. 29 September, 2022. (QJ)- Deegaanka laga helay shidaalka ee Somaliland, Bahadhamal, ayaa l ogaaday ion ay ka tirsan tahay dhul ay xukuumadda Somaliland heshiis kula gashay shirkadda shidaalka ee Genel Energy taas oo sahamin hore uga bilawday deegaanada Somaliland.

Bahadhamal ayaa ka mid ah waaxda 6-aad ee shirkadda Genel Energy iyadoo dhammaan saddexdabaloog ee shirkaddu ka shaqynayso ay yihiin deegaanada beesha Garxajis ay degaan ee Maroodijeex iyo Daadmadheedh. Waxa jira deegaano kooban oo bariga ah oo beesha Habarjeclo degto oo iyagana sahamin laga sameeyay mar.

Heshiiska Somaliland ay hore ula gashay Genel Energy ayaa dhigaya in 50% ay qaadato shirkaddu halka 50% ay xukuumaddu leedahay.

Lama oga hadii shidaal laga rsmi ah laga helo deegaankan waxa ay dadka deegaanku ka yeelayaan qaybsiga khayraadkaas, waxaana jirta in dadka koonfurta Hargeysa aanay waxba ka helin mashaariicda dawladda 30-kii sanno ee Somaliland jirtay taas oo keenaysa in ay diidaan in khayraadka deegaankooda lala qabsado hadii in uun shidaal laga helo Sallaxley.

Comments are closed