|

Xulistii Aqallada Baarlamanka Soomaaliya Oo Saamayn Ku Yeelatay Somaliland Iyo Xaaladda Oo Maraysa In Masuuliyiin Xukuumadda Siilaanyo Xilal Ka Hayaa Ay Xamar Iska Dhiibaan

Hargaysa 19.November 2016 (SDN/QJ):-Iyadoo bilihii u dambaysay si weyn loo hadal hayay Saamaynta ay Somaliland ku yeelan karto dhaq dhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ku beegsanayso Qadiyada iyo gooni isutaaga Shacabka reer Somaliland,islamarkaana ay hore u iclaamisay Kuraasta ay ugu talo gashay ee ay u qoondaya Siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa hadda waxa ay maraysaa in Masuuliyiin Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsani ay iska dhiibaan Xamar oo ay xil u doontaan.

15134289_1326429947391649_1042138582_n-pngWarar xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Maareeye ku xigeenkii TV-ga Qaranka Somaliland Mustafe Maxamuud Qodax uu ka dagay Xarunta Dawlada Soomaaliya ee Muqdisho islamarkaana uu ka qayb yahay Masuuliyiinta reer Somaliland ee loo gacan haadiyay ee doontay kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya ee hadda Xulistoodu ay socoto,Waxaanay wararku sheegayaan in Mustafe Qodax uu ku tagay Xamar wada tashi uu arintaasi kala yeeshay Jufadiisa hoose,waxaanay wararku sheegayaan inuu masuulkaasi hadda Xamar ku sugan yahay oo uu isku diyaarinayo Ka qayb noqoshada Tirada ama Mudanayaasha ku matalaya Somaliland ee ku fadhiisanaya Kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya oo dhawaan la filayo in xulistooda la soo gaba gabeeyo.
Farogalinta ay Dawladda Soomaaliya ku hayso Somaliland ayaa hadda maraysa inay Midho midhaysato Masuuliyiinta Xilalka ka haya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaana si weyn loo hadal hayaa Masuuliyiin badan oo Xukuumadda ka tirsan oo waysada u biyaystay Ka mid noqoshada Kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya oo yaboohistoodu ka dhex socoto Magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland,Mana jirto wax siyaasad ah oo muuqata oo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kaga hortgayso Arintaasi.

Warar kale oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay inay Jiraan Dad magac ku leh Somaliland oo iyagana la filayo inay qayb ka noqdaan Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sii qul qulaya Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Kuraasta Qoondaysan ee diyaarka ah ee loogu talo galay in lagu dabo Qadiyada Gooni Isutaaga Somaliland ee caalamka lagu tusinayo inay Somaliland ka mid tahay Soomaaliya oo ay saamigoodii ku fadhiyaan. Odayaal la dhaqdhaqaajiyey ayaa muddooyinkan xulista ku mashquulsan.

Comments are closed