|

Xusbiga Mucaaridka ee UCID oo dhaleeceeyay xariga suxuufiyiinta 

Hargeysa (QJ) – Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa war uu maanta soo saaray ku canbaareeyay xukuumada Somaliland xariga sharci darado ah ee lagu la kacay suxuufiyiin tobaneeyo kor u dhaafay.
War saxaafadeedka uu UCID soo saaray ayaa sidaan u qornaa:
“Xisbiga UCID, waxaa uu si adag u cambaareenaya xadhiga lagula kacay suxufiyiintii lagu xidhay Hargaysa.
Sidoo kale, xisbigu wuxuu cambaareenaya weerarka lagu qaaday xarunta telefishanka HCTV iyo jidh dilkii lagu sameeyay suxufiyiinta Telefishankaasi.
Xadhiga saxaafaddu wuxuu dhaawac wayn ku yahay Dimuqraadiyadda Somaliland iyo madax bannaanida warbaahinta, sidoo kalena waxaa uu ka hor imanayaa xorriyàdda uu dastuurka Somaliland u damaanad qaaday Saxaafadda.
Bahda Saxaafaddu waxay kaalin wayn kaga jiraan qaranka Somaliland, iyagoo aan helin xuquuq wixii ay lahaayeenna haddana kama daalaan buuxinta kaalinta ay qaranka kaga jiraan.
Xisbi ahaan, waxaanu Warbaahinta madaxa bannaan ku boorinaynaa inay ka shaqeeyaan, danaha qaranka, wada jirka umadda iyo horumarka dalka.
Xisbiga UCID, wuxuu xukuumadda ugu baaqayaa in sida ugu dhakhso badan xorriyadda ugu soo celiyaan suxufiyiinta maanta sida sharci darada loogu xidhay Hargaysa.

Comments are closed