Yemen: Koox ka tirsan Telefishinka Aljazeera oo lagu afduubay Ticis

Yemen-Ticis-suxufiAljazeera2Ticis,24jan,2016(QJ/SDN)-Shacabka magaalada Ticis ee dalka Yemen ayaa maalintii oo Sabtida dhigay banaanbax looga soo horjeedo wariyayaal ka tirsan Telefishinka Aljazeera oo Isniintii lasoo dhaafay lagu afduubtay magaaladaasi.

Wariye Hamdi al-Bokari oo ka tirsan telefishinka Aljazeera qeybtiisa Carabiga asal ahaana u dhashay Yemen iyo kooxdii la socotay ee sawirqaadayaasha ayaa la sheegay inay qafaasheen dad aan weli la aqoon.

Magaalada Ticis ayaa kamid ah dhulka uu weli ka socdo dagaalka u dhaxeeya kooxda Xuuthiyiinta iyo dowlada Cabdulrabi Mansuur Hadi, waana deegaanka u dhaxeeya dhulka ay gacanta ku hayaan labada dhinac.

Warbaahinta Aljazeera oo cambaareysay afduubkan ayaa sheegtay in ay ka sugeyso kooxda afduubka geysatay inay si fiican ulla dhaqmaan suxufiyiinta.