|

“Yurub Geenyo, Hodan Abdirahmaan Iyo Nimcaan Hilaac Waa Dad Tacab Faneed Nagu Kala Jiro-….. IGAMA SUURAWDO IN AAN SUUGAAN KU DURO” Abwaan Laab-Saalax

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul(Laab-saalax), ayaa sheegay inaanay ka suuroobayn inuu ku duro Suugaan Fanaaniinta Yurub Geenyo, Hodan Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan iyo Nimcaan –Hilaac, isla markaana ay ka mudan yihiin Xuro iyo tixgelin.

Gudoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska waxa kale oo uu sigaar ah ugu sharaxey in heesaha uu alifey badankooda ay qaadaan fanaaniintani Yurub,Hodan iyo Nimcaan halkan kaga bogo nuxurka fariintan uu digniinta ugu jeediyay inta kooban ee Bulshada kamid ah ee fasiraada khaldan wada.

“Suugaanta Dadku inta Badan qof waliba sidii Rabo ayuu u Macnaystaa– waxa baryahan Socotay In Laga Dhigay In Cid Gaara Loo Sameeyay- Qaar ka Mida Heeso aan Soo Saaray! Arintaasi Waxba Kama Jiraan- – Dadkuna Waa Isku dhici karaan waana heshiin karaan- Aniga XasanAhaan Yurub Geenyo, Hodan abdirahmaan iyo Nimcaan Hilaac waa Dad walaalahaya oo Tacab Faneed Nagu Kala Jiro- heesahayga inta ugu badan iyagaaba Qaada- waxaanay iga Mudan yihiin Xurmo iyo Tixgalin igamana suurawdo in aan Suugaan Ku Duro- shalay siday fanaaniintayda u ahaayeen ayay maantana u yihiin- dadka ujeedada. Heesaha Marin Habaabiya Waxaan Leeyahay_ Ka Daaya bulshada qalad Fadhiistaa. Tusaale ahaan Heestan oo 2014kii aan soo post gareeyay sida aad Ka Aragtaan Sawirka Lifaaqa ah..”Ayuu yidhi Laab-saalax Gudoomiyaha Kooxdu.

Comments are closed