KIISKAASI SI DEGDEG AH HALOOGU GUDBIYO MAXKAMAADDA DAMBIYADA RAYIDKA
Waxay ahayd salaadii subax inyar ka dib waxaan ka soo laabtay masaajidka ii dhow ee aan badanaa ku tukado salaada subax, maalintaa waxaan dareemay caajis badan iyo lulo aanan hore u arki jirin, waxaan is idhi inyar quraacda ka hor yara seexo iyadoo aanay caado ii ahaan jirin inaan salaada subax dib hurdada ugu noqdo…
