Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Magacaabay guddi ka baara Xadgudubyada Adminimo ee Somaliya

    Muqdish Feb, 5, 2013 (SDN)– (Warsaxaafadeed) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha Guddi madax banaan oo ka shaqeeya ka soo talabixinta xadugudbyada ka dhanka ah xuquuqda Bani’aadamka, gaar ahaana falalka kufsiga iyo dilalka loo gaysto Wariyeyaasha. Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa maanta looga dhawaaqay…

    Read More

      War deg deg ah.Tageerayasha Ururka Xaqsoor oo Mudaaharaad ka dhan ah Madaxweyne Siilanyo ka Abaabulayaa Magaalada London ee dalka Britain.

      london5 Feb13 (qurbejoog)Waxaa Magalada London ee dalka Britain kasocda  abaabul wayn  oo lagu samaynayo Mudaharaad lagaga hortagayo Madaxweyne Siilaanyo oo kusoo fool leh Magalada London ee dalkan Britain.Mudaharadkan oo ay qaban qaabinayaan kamid ah Tageerayasha ururka Xaqsoor  kuwaas oo Siilaanyo ku eedaynayaan inuu Caruurtoodii ka laayay si arxan daro ah waxaana sidaa nooxaqiijiyay Gudoomiyaha Garabka…

      Read More

        Munaasabad Soo dhawayn ah loo Sameeyay Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Axmed Adan ismaciil Kayse Gurey oo ka dhacday ottawa Dalka Canada Dawasho Wacan

        London5 Feb13(SDN)Habeenkii Sabtidii ay ahayd bisha Januray 27, 2013 ayaa waxaa lagu qabtay xaflad aad u balaadhan oon loo kala hadhin magaalada Ottawa ee dalka Canada. Xafladaasi oo lagu soo dhaweynayey waftiga ka socday Xisbiga UCID, oo uu hogaaminayay Musharaha jagada Madaxweynaha ee Jamuriyada Somaliland Dr. Jamal Ali Husein iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID…

        Read More

          Taliye ku Xigeenka 1aad ee Booliska Somaliland oo Socdaal Shaqo ku tagay Magaalada Boorama.

          Boorama 05.Feb.(SDN) Taliye ku xigeenka  Ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdiraxmaan Axmed Liibaan ayaa maanta kormeer hawleed ku tegay xarunta Gobolka Awdal ee Boorame. Taliye xigeenka oo socdaalkiisa uu ku weheliyey ku  xigeenka hogaanka ciidanka Booliska somaliland Saleebaan Cismaan Shide ayaa waxuu u kuurgalay hawlaha ciidanka Booliska ee gobolka gaar ahaan baahiyaha ku saabsan xubnaha…

          Read More

            Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Somaliland Ku Sugan Uga Digtay Khataro Amni Daro

            Kenya Febr 5,2013 (SDN) Dawladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland uga digtay inay ku dhex safraan gudaha Somaliland isla-markaana ka shaqeeyaan. Safaarada Maraykanka ee Magaalada Nairobi ayaa qoraal ay goor  dhawayd soo saartay ku sheegtay inay heshay warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dadka reer galbeedka oo ay ku jiraan kuwa Maraykanku ay…

            Read More

              Madaxwaynaha Iyo Ku Xigeenkiis Oo Khilaaf Adag Soo Kala Dhex-galay, Saylici Oo Wasiirro Sasabaad Kaga Joojiyeen Shir-jaraa’id Iyo Safarkii Ingiriiska Oo U Dhow Inuu Baaqdo

              Hargaysa Febr 5,2013 (SDN) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeen ku xigeenka Somaliland, ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf dibada u soo baxay, kaasi oo sababay in Madaxwayne Siilaanyo safarkiisii maanta galinka dambe u dhaco. Khilaafka labada masuul oo soo taagnaa intii lagu jiray isku shaandhaynta lagu sameeyay Badhasaabada, ayaa…

              Read More

                Maxkamadeynta Wariye Koronto iyo dadkle oo ay isku kiisyihiin oo maanta markale ka bilaabaneysa Muqdisho

                Muqdisho Feb 05 2013 (SDN)– Waxaa maanta Maxkamada gobolka ee Magaalada Muqdisho ka bilaabaneysa markale dhageysiga Maxkamadeynta Wariye C/casiis Koronto iyo dadkale oo ay isku kiisyihiin. Madasha Maxkamadayntu ka bilaaban doonto ayaa waxaa kusii qul qulayay tiro saxafiyiin ah iyo dadkale kuwaasi oo doonaya in ay la socdaan sida ay wax udhacayaan waxaana qaar kamid…

                Read More

                  Yemen sentences 17 Somali pirates to 10 years in prison

                  SANAA, Feb. 4 — A Yemeni court in the southeastern coastal city of Mukalla on Monday sentenced 16 Somalis to 10 years in prison after convicting them of piracy in Yemen’s territorial waters, the state-run Saba news agency reported. Another Somali received five-year term in jail over the same charge. The defendants were convicted of…

                  Read More

                    Madaxweyne Siilaanyo oo Isku Shaandhayn Mug leh ku sameeyay Gudoomiyeyaasha Gobolada.

                    Hargaysa 05.Feb (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa isku Shaandhayn Mug leh ku sameeyay Gudoomiyayaasha Gobolada isagoo isku bedelay inta badan badhasaabada Gobolada Marka laga reebo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil,Waxaa kale oo  uu Madaxweynuhu  Magacaabay Badhasaabo Cusub halka uu Xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Gobolka Awdal. Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada…

                    Read More

                      UK to grant £3m aid boost to Somalia

                      London Feb 05 2013 (SDN)– Somalia will receive almost £3m in new aid from the UK, it was announced as the country’s president visited London. Some £1.47m will support Somalia’s new government and federal parliament. The other £1.5m million will help provide food for up to 60,000 malnourished children and mothers. Somalia is emerging from…

                      Read More

                        Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo faah faahin ka bixiyay kulan uu la qaatay Dived Cameron

                        London Feb 05 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu faah-faahin ka bixiyay kulan ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameroon kaasi oo ka dhacay dalkaasi. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaraha ay isku soo hadal qaadeen arimo dhowr ah oo ku aadan dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay…

                        Read More

                          C/fitaax Geesay guddoomiyihii gobolka Bay oo xilkii laga qaaday

                          Muqdisho Feb 05 2013 (SDN)– Dowladda Soomaaliya ay xilkii ka qaaday Gudoomiyihii gobolka Bay islamarkaana isbadal ku sameysay Maamulka gobolkaasi. Digreeto uu ku saxiixnaa Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa waxaa isbadal lagu sameeyay intabadan Maamulka gobolka Bay oo uu hogaaminayay C/fitaax Geesey. Digreetada uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Barlamanka ahna kusimaha Madaxweynaha…

                          Read More

                            Farasiiska oo Duqeymo ka wada Woqooyiga Maali

                            Bamako Feb 05,2013(SDN)-Dayuuradaha dagaalka ee ciidamada wadanka faransiiska ayaa  ayaa duqeeyey xarumo ay kooxaha falaadaha ay ku leeyihiin dhulka fog ee ku yaala dhinaca woqooyi ee wadankaasi Maali. Wasiirka arimaha dibada ee Faransiiska ayaa sheegay  weeraradani xaga cirka in looga gol leeyahay sidii loo jari lahaa wadooyin ka ay sahaydu usoo jmarto kooxaha mintidiinta ah…

                            Read More

                              Madaxwayne Siilaanyo Oo Caawa Wasiir-Ku-Xigeeno Cusub U Magacaabay Wasaarradaha Ganacsiga Iyo Caddaalada.

                              Hargeysa 5 Feb 2013(qurbejoog)  Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa Magacaabay laba Wasiir ku xigeen oo ay yeelan doonaan Wasaaradaha Caddaalada iyo Ganacsiga. War-saxaafadeedka lagu shaaciyey xilalkan cusub ayaa u dhignaa sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1573/022013 ku magacaabay laba wasiir…

                              Read More