Shaqaalaha Ardiyadaha Ee Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Faro Baas Ku Haya Albaabada Dadka Shacabka ah Iyo Tiraab Hore Uga Soo Yeedhay Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Oo Bar-ku-mataal Noqotay
Hargeysa:23-Oct-2013-(SDN)-Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa u qaabilsan Ururinta Ardiyadaha Guryaha ayaa haatan ku hawlan oo faro baas ku haya Al-baabada Aqallada ay lacagaha cashuurta weydiinayaan oo ay la baxayaan. Inkastoo uu dhawaan maayar-ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi sheegay inay joojiyeen Albaabada lala baxayo, haddana shaqaalaha ayaa iyagu hawshooda iska sii wata, waxana muran iyo…
