Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal Tacsi ah u diray Qoyskii & Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas)
Hargaysa 22.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu tacsi u dirayaa Bah-Weynta Suugaanta ee ku hadasha Afka Somaliga meel ay joogaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeisa 22.10.2013 laguna aasay. Madaxweynuhu waxa kale oo uu tacsi taasi la mid…
