32 Hawl Gal Wasaaradda Amniga Ku Soo Qabatay In ka badan Boqol Qof iyo Hub kala Duwan
Muqdisho 07.Aug 2014 (SDN/QJ)- Shirkii Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta warbixin looga dhageystay wasaaradda amniga oo sheegtay in 32 howlgal oo toddobaadkan laga fuliyay magaalada Muqdisho lagu qabtay 111 qof iyo hub. Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo kulanka wasiirrada kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu xiray qaarkood…
