Dhaqanka Qofka oo Gawrac Labada Dhegood Loogu Simo David Haines, Faallo: Qalinka Xasan Cumar Hoorri
Ninkii saddexaad oo ka soo jeeda dunida tadhahday (Galbeed) ayaa kooxda Daacish, dhegta dhiigga u dareen. David Haines waxaa uu u dhashay dalka Britain waxaana uu ku hawlanaa arrimaha samafalka isaga oo u soo gurmaday dhibaatada aadami ee ka oognayd dalka Suuriya. Falxumada lagu bireeyay Mr. Haines waxaa la wadaagay James Foley, suxufi Maraykan ah…
