Suldaan ka socda qabiilka Dirta ee Jubbooyinka Somalia Oo Sadex billood Ku xayiran Hargeysa Iyo Ujeedada Safarkiisa

    Hargaysa 09.Oct 2014 (SDN/QJ)- “In maanta aan joogo dalka Somaliland oo ay joogaan ummadaydii aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaanan u imi dano badan oo Oday iyo mid ehel-ba ah. Nin Oday ah oo socdaal dheer samaynayaa, macno daro meel uma tago, markaa waxaan u imi dadkaygii iyo dalkaygii oo aan imika dhex joogaa. Waxaan u…

    Read More

      Afar Dhallinyaro ah oo looga Shaki Qabo inay Maleegayeen Qaraxyo laga fuliyo Magaalada London oo Gacanta Ciidanka galay

      London 09.Oct 2014 (SDN/QJ)- Saraakiil sare oo ka tirsan Boliska Magaalada London, ayaa sheegay inay Gacanta ku dhigeen Tiro rag ah oo lagu eedaynayo inay damacsanaayeen Weeraro ay ka fuliyaan Caasimadda London Nimankan ayaa Booliisku, waxa ay sheegeen inay qabteen shalay oo Salaasa aheyd, balse muddo lagu daba jiray dhaq-dhaqaaqooda, maadaama ay Booliiska shaki badan…

      Read More

        “Ciidanka cusub ee Madaxwaynaha Somaliland Digreetada ku magacaabay ee la yidhaa (OPU) waa sharci daro” Xildhibaan Ibraahin Buubaa

        Hargaysa 09.Oct 2014 (SDN/QJ)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Ibraahim Mahad Buubaa, ayaa sheegay in ciidanka ilaalinta Shidaalka ee uu Madaxweyne Siilaanyo Digreetada ku magacaabay ay sharci-darro tahay, isla markaan wuxuu ka hadlay dilkii habeen hore lala beegsaday sarkaal ka tirsan ciidanka ku sugan magaalada Saaxdheer Afhayeenka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu Yidhi…

        Read More

          Maxkamada Dhagaraha Adduunka oo Guul daraysatay in Uhuru Kenyatta Kiiskiisa Cadaymo ku Filan u Hesho una Qiil dayaysa Joojinta Dacwadan

          Hague 09.Oct 2014 (SDN/QJ)- Waxa la soo gabagabeeyey dhagaysiga in dacwada loo haysto madaxweyna Kenya ay sii socoto ama la joojiyo, Maxkamada ICC ee ku taala Hague ayaa qabatay laba maalin oo dhagaysi ah,Iyadoo uu Shalay  ka qeyb galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Mr Kenyatta kama aanu hadlin maxkamada horteeda, waxaana uu wakiishay mid ka…

          Read More

            Akadamiyada Nabada Horaminta Somaliland Ayaa Maanta Hadhimo Sharafed U Samaysay Qaar Ka Mid Qurbejoga Somaliland

            Hargeisa 8/0c/2014(SDN/QJ)Akamadamiyada Nabada Iyo Horumarka Somaliland Ayaa Maanta Hadhimo Sharafeed U Samaysay Xubno Ka Mid Ah Qurbe Jooga Somaliland. Kulankan Oo Ka Qabsamay Hargeysa Ayaa Waxa Hadal Kooban Ka Soo Jeediyay Guddoomiyaha Akamadamiga Nabada Iyo Horumarka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi. Waxa Uu Sheegay In Ay Xidhiidh Wanaagsan La Samaysan Doonaan Qurbe Jooga Isla Markaana Ay…

            Read More

              “Intii aan ku sugnaa dhulka barakeysan waan u soo duceeyay Ummadda Soomaaliyeed” Madaxweyne Xasan Sheekh DAAWO

              Muqdisho 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane, xubno ka tirsan labada Gole ee…

              Read More

                Xarunta Qaarada Yurub ee Xisbiga Waddani oo Gudoomiyahooda u Soo Jeediyay inuu mar kale dib u Magacaabo Prof Fadal

                London 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Diidmada uu Madaxweyne Siilaanyo u diiday Dr Mohamed Osman Fadal ka mid noqoshada Golaha Commission-ka Somaliland waxaan ku fasiri karnaa Aragti, Go’aan iyo Fikir shakhsi oo baal-marsan Sharciga iyo Xeerka Wadanka ee Xulista ka midnoqoshada Golaha Commissinka Somaliland. Sida laga warqabo Dr Fadal waa mudane Aqoon iyo Karti u leh arimaha…

                Read More

                  “Sabab Allaale sabab la igu soo celiyo, iyadoo madaxweynuhuna ahaa nin aanu soo wada shaqaynay markii uu mucaaridka ahaa, inuu I soo celiyo aniga waxay iila eg tahay inaanay gar ahayn oo ay qayrul sharci tahay,” Prof Fadal

                  Hargaysa 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo ah xubintii Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ay u magacaabeen Xubnaha Koomishanka ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo labada jeer soo celiyay,ayaa markii u horaysay ka hadlay dhex-dhexaadnimadiisa, waxaanu go’aanka Madaxweynuhu ku soo celiyay uu ku tilmaamay mid aan Gar ahayn oo qayrul sharci ah. Dr. Maxamed Cismaan Fadal waxa…

                  Read More

                    “Xisbiga Waddani Kuma Qanacsana Sababta Madaxwayne Siilaanyo u Cuskaday Soo Celinta Prof Fadal,Waxa aanu Qaadi Doonaa Talaabo dastuurka Waafaqsan” Gudoomiye Cirro DAAWO

                    Hargeisa 08.Oct 2014 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si adag u naqdiyay go’aanka uu madaxweynaha Somaliland dib ugu soo celiyay Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ay xisbi ahaan u magacaabeen inuu xubin ka noqdo komishanka cusub ee doorashooyinka, waxaanu sheegay inaanu xubintii ay xuleen aanu xubin ka ahayn…

                    Read More

                      Wufuud Beesha Caalamka Ka Socota oo Ku Soo Qulqulaysa Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Qaabilay U Qaybsanaha Midowga Yurub ee Somaliland Iyo Somaliland Maxay ka wada Hadleen? DAAWO

                      Hargeisa 8/oc/2014 (SDN/QJ)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Ambassador Michele Cervone d’Urso oo uu wehelinaayey Ambassador Nairobi u fadhiya Ingiriiska Mr. Neil Wigan Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane,…

                      Read More

                        “Cadaalad Darada dalka ka Jirta Hadii aan Wax laga Qaban Wax inoo Hagaagayaa Ma Jirto” Eng Maxamed Xaashi Cilmi DAAWO

                        Hargaysa 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Siyaasiga Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo Xubin ka ah Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa dhibaatooyinka dalka haysta ku sheegay inay Saldhig u tahay Cadaalad daro ka jirta Qaybaha Maamul ee dawlada . Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ka Hadlayay Kulan uu Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid u Sameeyay Taageerayaal…

                        Read More

                          Madaxweyne Uhuru Oo Maanta ay Sugayso Hawl Adagi

                          Hague:Oct,08,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Waddanka Kenya, ayaa maanta laga sugayaa inuu si rasmi ah u hortago maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada dagaalada oo si gaar ah u soo dacsweysay. Mr. Kenyatta ayaa Salaasadii shalay ahayd ah ka duulay magaalada Nairobi, waxaana maanta lagu qaadayaa dacwado la xidhiidha dambiyo ka dhan ah bani aadannimada oo uu galay xilliyadii uu mucaaridka…

                          Read More

                            Guddoomiye Cirro Oo Maanta Lagu Wado Inuu Jawaabo Ka Bixiyo Gefaf Siyaasadeed Oo Xukuumaddu La Daba Socoto Xisbigiiga Waddani

                            Hargeysa:Oct,08,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxaam Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Lagu wadaa inuu maanta jawaab cad ka Bixiyo gefaf siyaasadeed iyo xadgudubyo uu xisbigiisu ka tirsanayo Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisaba. Guddoomiye Cirro, ayaa sida wararka aanu Haynaa sheegayaan diyaar u ah inuu jawaabo cad bulshada ka siiyo sababta keentay…

                            Read More

                              “Waxaynu u qaysannay laba dabaqadood oo midi intaas oo milyan baan haystaa isugu faanta iyo qaar aan dab-ba loo shidin,” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

                              Hargeysa:Oct,08,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Ka Hadlay Dhibaatooyin dib u dhac ku keenay Somaliland oo ay xukuumadda Haatan jirtaa masuul ka tahay. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka Hadlay Munaasibad Xisbiga Ucid shalay ku lahaa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xatooyo iyo bililiqaysi badan ay masuuliyiinta xukuumaddani ku hayaan…

                              Read More

                                Wasiir Xirsi Oo Booqashadii Madaxweynaha Ee Berbera Si Kale U Macneeyey, Hoosna U Dhigay Shirkii Ka Dhacay Markabka Dushiisa

                                Hargeysa:Oct,08,2014(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hoos u dhigay Meeqaamka shirkii uu madaxweyne Shalay la yeeshay Wufuuddii dalalka Reer Galbeedka kasocotay, kaas oo ka dhacay Marka dagaal oo taagan xeebta Magaalada Berbera. Wasiir Xirsi oo xalay Qoraal uu  ujeeddada safarkaas Madaxweynaha kaga falceliyo  soo dhigay Boggiisa Face-book-ga, ayaa sheegay in safarku muujinayey…

                                Read More

                                  Odhaahda Siyaasiga: Milicsiga dhigaalkii hore iyo dhitada Maanta:Wadankan horta yaa xukuma, awoodii yay gacanta ugu jirtaa?

                                  Hargaysa 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Qormadan milicsiga dhigaalkii hore iyo dhitada maanta, waxaanu idiinku soo gudbin doonaa waslado uu wargeysku ka soo garoocday qawlkii hore ee siyaasiga iyo ka haatan. Waa weedho is fasiraya oo lid isku ah, isku xidhaya shalay iyo cagidan cadceedeedu aanay weli dhicin, isla markaana biniixis iyo bidhaamin u noqonaya dhacdaba goorteed….

                                  Read More

                                    “Dalkeenu Wax Hanti dhawr ah Haba yaraate Ma Laha Waa in Dadku Yeesho Hanti dhawr Daacad ah” Jamaal Cali Xuseen DAAWO

                                    Hargaysa 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa Sheegay in Isbedelkii ay Bulshadu u Oomanayd Xiligii Maamulkii Madaxweynihii Hore ee Somaliland aanu Sidii la rabay Ummadu uga helin Wixii ay ka filaysay. Murashax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayay Madal uu Xisbigoodu ku soo dhawaynayay Taageerayaal…

                                    Read More

                                      Fiiq: Go’aamo Cusub oo ka Soo Baxay Shirweynihii 8aad Ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Itoobiya Iyo Liiska Magacyada Loo Doortay Hogaaminta Xisbiga

                                      Fiiq 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Shirweynihii 8aad ee Xisbiga dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya oo lagu qiimaynayay warbixintii u dhaxaysay labada shirwayne ee Birqod iyo Fiiq, ayaa furmay, kadibna waxaa lagu ansixiyay warbixinnadii iyo Jihooyinkii siyaasadeed ee XDSHSI u yaalay. Guud ahaan geedi socodka shirwaynaha ayaa ahaa mid waafaqsan xeer hoosaadka xisbiga iyo nidaamka dimuqraadiga ah. waxaa…

                                      Read More