Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Maxamed Cusman Cumar
Maka, Boqortooyada Sucuudiga, 07 Oktoobar 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Danjire marxuum Maxamed Cusman Cumar, oo ku geeriyooday London xanuun hayey awgiis. “Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Danjire…
