Shirqoolo ku halis ah qabsoomida Doorashooyinka oo Xukuumadu dabada ka riixayso+ Ansixintii Komiishanka oo Beri Mar kale baaqan doonta iyo Walaaca Sii Kordhaya
Hargaysa 14.Nov 2014 (SDN/QJ)- Iyadoo loo balansan yahay Sabtida soo socota in Golaha Wakiiladu ansixiyo Komishanka cusub ee Doorashooyinka, isla markaana laga filayo Golaha Guurtida inay iyaguna dhinacooda naaqishaan, siina daayaan xeerka diiwaangelinta, ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sii hurinaya khilaafkii u muuqday in laga soo gudbay, kaasoo caqabad hore leh ku noqonaya geedi…
