Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye) Qormada: 11aad
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com Qormada: 11aad Hargeysa:Jan,03,2015(SDN/QJ)-Beryihii aanu SNM ta ka tirsanayn ee aanu joognay meelo ay ka mid ahaayeen magaalada Diridhabe ayaa subaxdii la isku bariirin jiray: “Barinnaye, ma barideen.” Gelinka hore ayaa sidaa la isku nabdaadin jiray, gelinka dambena waxa la isku salaami jiray: “oollaye, ma oosheen.” Tan iyo maalintii Isniineed ayaynu…
