“Waxaad mooda xukuumadani in ay tahay mid ciil qabta oo aan doonayn in ay umaddan ay taariikh wacan uga tagto” Xildhibaan Siciid Cilmi
Hargaysa 12.Feb 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay samaynayso waxyaabo ka daran waxii ay ku dhaliili jireen maamulkii hore ee Daahir Riyaale markii uu mucaaradka ahaa xisbiga Kulmiye, waxaana uu sheegay in xadhig, caga juglayn iyo cabudhinba ay ku…
