Haweenayda Madiga ku ah Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Balanqaad u Samaysay Shacabka iyo Axsaabta DAAWO

    Hargaysa 09.Feb 2015 (SDN/QJ)- Marwada madaxweynaha ayaa ka qayb gashay Xaflad lagu maamuusayay Marwo Kaltuun Sh,Xasan Cabdi oo Ka Mid ah 7 Xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka qaranka taas oo lagu qabtay Ambassador Huteel. Kulankaasi waxaa ka qayb galay oo Kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid,Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, Xubno ka tirsan Golaha…

    Read More

      Gudoomiyaha Ucid ee Gobolka Saaxil oo Si adag u Canbaaraysay Xadhiga Weriye Soofadhiiste Daawo

      Berbera 09.Fen 2015 (SDN/QJ)-  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin, ayaa si adag u cambaaraysay xadhiga Wariye Maxamed Cabdilaahi Soofadhiiste oo ka mid ah  Tafatiraha Shabakada Berbera today iyo Telefishanka SOMALI CHANNEL, kaas oo todobaadkan ay Ciidamadda Booliska Magaaladda Berbera ay xabsiga u taxaabeen. https://www.youtube.com/watch?v=tlV6TjAcnr0

      Read More

        Bulshada Gobolka Awdal Siday uga Fal Celiyeen Sii Sagootinta Cabdoo Ayar iyo u Raxlaynta Ramaax

        Boorama 09.Feb 2015 (SDN/QJ)- Badhasaabkii is casilay ee gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa gobolka Awdal hogaankiisa hayay mudo ku siman, laba sano, waxana tan iyo maanta markii ay soo baxday hadalka is casilaadiisa ay dadwaynaha reer Boorama is waydiinayaan, waxa sababay ee ay salka ku hayso is casilaadaasi iyo waliba arimo kale oo ku…

        Read More

          Aas Qaran oo Maanta Xabaalaha Naasa hablood ee Hargaysa loogu sameeyay Marxuun Xildhibaan C.laahi Ibraahin Xirsi Dhugad DAAWO

          Hargaysa 09.Feb 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha JSL ayaa maanta ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyey Alle haw naxariiste Xildhibaan C.laahi Ibraahin Xirsi (Dhugad) oo kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida laguna aasay Xabaalaha Naasa hablood. Aaska alle ha u naxariistee Marxuun Xildhibaan C.laahi Ibraahin Xirsi Dhugad Waxaa ka qayb galay Shirgudoonada Golayaasha Qaranka, Madaxda Sadexda…

          Read More

            Baarlamanka Somalia oo Codka Kalsoonida Siiyay Xukuumadii Cumar C.rashiid iyo Tirada ogolaatay

            Muqdisho 09.Feb 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan oo shir-guddoominayay kulantii maanta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in 191 xildhibaan ay codka kalsoonida siiyeen xukuumadda cusub ee Soomaaliya. Codeynta oo gacan-taag ahayd ayaa waxaa diidday ansixinta 22 xildhibaan, afar mudane oo kalena way ka aamuseen. Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ayaa Baarlamaanka uga mahadceliyay…

            Read More

              RW. Cumar oo cambaareeyey dilkii saaka loo gaystay xildhibaan Cabdullahi Qayad Bare

              Muqdisho, 9 Feb, 2015 (SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii naxariis darada ahaa ee saaka loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad Bare, “Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Ehelkii, Qaraabadii, Saxiibadii, dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, dilkii loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad, wuxaana Ilaahay uga…

              Read More

                Mid ka Mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo la Khaarajiyay

                Muqdisho 09.Feb 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre oo xubin ka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu toogtay isgoyska Ceelgaab ee degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho. Weriyeyaashamagaalada Muqdisho ayaa  ku soo warramaya  in ay xildhibaanka toogteen rag hubeysan, kaddibna ay goobta ka baxsadeen. Wuxuu sheegay in ciidamo isugu jira boolis iyo nabad-sugid ay goobta gaareen si…

                Read More

                Ivory Coast Yaa Hantidey Horyaalka Qaaradda Afrika(Cup OF Nation 2015) Markii Aay 9-8 Ku Suldaartey Ghana(Rigoorayaal Penelties) Daawasho Wacan.By Jaahuur.

                Malabo-09-Feb-2015 (SDN/QJ) Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku eegeynaa koobkii horyaalka qaaradda Afrika oo jawaano gool ku laad ah (Penelties) lagu kala badiyey Ivory Coast 9 Ghana 8. Ciyaartan oo la wada sugayey ayaa waxaa ka soo qeybgaley kumayaal dadweyne ah madax iyo taageerayaasha labda wadan taas oo amaankana aad loo adkeeyey. 1992-dii ayaa Ghana iyo…

                Read More

                  Suudaan Oo Joojisay Dalku Galkii ay Siin Jirtey Soomaalida Iyo Sababaha Keenay Oo La Faahfaahiyey

                  Khartoum:Feb,09.2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Sudaan, ayaa ku dhawaaqday inay joojisay Dal-ku-galkii ay siin jirtey Dadka Soomaalida ah. Warkan ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyey xafiiska Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Khartoum, waxana warkani noqday mid dadka soomaalida ahi si weyn uga naxeen. U qeybsanaha dhaqanka iyo waxbarashada safaaradda Soomaalidu ay ku leedahay Sudan, Cabdiqaadir Guulane ayaa tibaaxay…

                  Read More

                    Fannaanadda Hibo Maxamed Oo Joojisay Qaadista Heesaha Muusiga ah, Sababtana Caddaysay

                    Otowa:Feb,09,2015(SDN/QJ)-Hibo Maxamed Huddoon oo kamid ah Fanaaniinta ugu caansan Soomaalida, ayaa ku dhawaaqday inay ka fadhiisatay Fankii iyo qaadistii heesaha Muusiga leh oo ay caan ku ahayd. Hibo Maxamed oo lagu yaqaano heesaha qiirada leh iyo waliba kuwa Waddaniga ah, ayaa sheegtay inay ilaahay dartii uga haddhay heesaha qaadistooda xilli ay u warramaysay Idaacadda BBC-da…

                    Read More

                      Britain Oo Hal Million Oo Dollar Siinaysa Nin 13-Sano Ku Xidhnaa Guwantanamo Iyo Sababaha Keenay

                      London:Feb,09,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Britain, ayaa ballanqaaday inay Lacag dhan Hal million oo Dollar siin doonto Nin Haysta Dhalasada Dalkeeda oo muddo dheer ku jirey Xabsiga Guantamo Bay. Muwaadinkan oo magaciisa lagu sheegay Shaker Aamer oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Sucuudiga, ayaa hore ugu noolaan jiray dalka UK, wuxuuna sanadkii 2001 u guuray dalka Afghanistan isaga…

                      Read More

                        Shaqaaleweynaha Hay’adda Korontada Hargeysa Oo Ka Mudaharaaday Xuquuq Laga Duudsiyey, Eedana u Jeediyey Wasiirka Hawlaha Guud

                        Hargeysa:Feb,09,2015(SDN/QJ)-Shaqaaleweynaha Hay’adaha Korontada Hargeysa, ayaa Mudaharaad Ballaadhan iskugu soo baxay Badhtamaha Hargeysa, kuwaas oo ka cabanayey duudsi Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeyntu u geystay, kaas oo ku saabsanaa Xaqoodii oo maqan. Shaqaalaha, ayaa waxa ay ka cabanayaan inaan xukuumaddu meel ku tiirinin Lacago mushaharooyin ahaa iyo waliba xuquuqdii ay halkaas ku lahaayeen, waxana ay arrintaas…

                        Read More

                          Hoggaanka Cusub Ee Solja Oo Qoraal Habsaamay Kasoo Saaray Xadhig Xukuumaddu Kula Kacday Wariyayaal, Afkiisana Isku Ammaanay Muddadii Koobnayd ee Uu Xilka Kayey

                          Hargeysa:Feb,09,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka Cusub ee Ururuka Saxafiyiinta SOLJA, ayaa qoraal xilli dambe ah kasoo saaray Xadhig xukuumaddu kula kacday Wariyayaal xaatan Xabsiga ku jira, kuwaas oo ay sheegeen inay soo dayn doonaan. Hoggaanka, ayaa afkiisa ka dhawray inay wax cambaarayn ah dusha ka saaraan Xadhigga Wariyayaasha ee Xukuumaddu caadaysatay, waxana ay taas Beddelkeeda qoraalkooda ku sheegeen inay…

                          Read More

                            “Buur madow malaa albaabkii Madaxtooyada ee uu Garanayay ayaa laga xidhay” Cali Guray

                            Hargeysa 09.Feb 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw, oo ay isku hayb yihiin Madaxweynaha, kaas oo sheegay inay haboon tahay in Muddo kordhin Labo Sanno ah loo sameeyo Madaxweynaha. Guddoomiye ku xigeenkak Saddexaad ee Xisbiga UCID…

                            Read More

                              “Isbeddelkii, qof baanu meesha ka qaadnay, qof kalena waanu keennay Laakiin…” Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse

                              Hargeysa, 09 Feb, 2015 (SDN/QJ)- Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ka tirsan Siyaasiyiinta Ruug-caddaaga ah ee Xisbiga Kulmiye isla markaana kaalin muhiim ah ka soo qaatay halgankii uu talada dalka ku hantay Xisbiga Kulmiye, ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta uu uga dhex-muuqan waayey siyaasadda dalka. Maxamed Cabdi Iskeerse oo muddo badan soo hayey…

                              Read More

                                Xildhibaano ka Tirsan USA oo sheegay in joojinta lacaguhu khatar ku keeni karaan ammaanka Maraykanka

                                Washington, 09 Feb, 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaano ka tirsan labada Aqal baarlamaan ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in joojinta lacagaha loo diri jiray Somaliland iyo Soomaaliya ay halis ammaan ku keenayso Maraykanka, isla markaana dhibaatooyin bani’aadminimo keenayso haddaan xal deg-deg ah. Xildhibaanadan oo tiradoodu gaadhsyo 12, ayaa qoraal ay soo saareen shalay kuna socodsiiyeen laamaha dawladda…

                                Read More

                                  wareegtadii ugu danbaysay ee Xafiiska Af-hayeenka Madaxtoonyada ka soo baxday oo 63, gef qoraal soomaali leh

                                  WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2946/022015 uu isku bedel, xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u…

                                  Read More

                                    Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi oo Iftiimiyay Doorkii Hogaamineed ee Marxuun Dhugad

                                    Hargaysa 08.Feb 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ku geeriyooday Hargeysa 08/02/2015   Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay…

                                    Read More