Hawl-galkii ugu Mucjisada badnaa ee Hargaysa ka Dhacay Iyo Qaabkii lagula Baxay Mujaahid Cabdilaahi Askar “Wax la Yidhi Bad-Jeex Waxaa helay Birjeex”
Hargaysa 14.April 2015 (SDN/QJ)- Waxuu hawlgalkan cajiibka ahaa ee badbaadinta Cabdilaahi Askar dhabar jab weyn ku noqday taliyahii Ciidanka qaybta 26aad ee Ciidamadii siyaad Bare, General Gaani oo u dabal-degayey habeenkaas sanadguuradii aasaaskii wixii la odhan jiray ciidankii xooga dalka Somaliya 12th April. Waa Kooxdii Shuhadada ahaa ee Soo Furatay Muj. C.laahi Askar Sheekadan qiirada…
